Punt-land iyo Jubaland oo ku dhawaaqay xubnaha aqalka sare u sharxan.

946

Maamulka Jubbaland ayaa waxaa uu soo saaray xubnaha u sharraxan in maamulkaasi ay ku matalaan aqalka sare ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Liiska oo ka kooban 8 Kursi ayaa kiiba waxaa ku tartamaya 1 ilaa 3 Qof,waxaana ku jira liiskaasi rag uu ka mid yahay Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Jubbaland C/llahi Sheekh Ismacil Fartaag, iyo xubno kale.

Halkaan Ka akhriso Xubnaha Jubaland

jublandjubland-2

Dhanka kale.

Maamulka Punt-land ayaa ayaguna ku dhawaaqay liiska u sharxan xubnaha aqalka sare ee dowlada soo socta.

Magacyadda xubnaha  lagu dhawaaqay waxaa ka mid ah Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Cumar cabdirashiid , Madaxweynihii Hore ee Puntland C/raxmaan Faroole,  Prof Cabdirisaaq Juurile, Gen  Maxamed Siciid Xirsi (Morgan) iyo Cali Cabdullaahi Giir oo ka mid ahaa xubnihii asaasay Puntland.

Xubnaha Lagu dhawaaqay oo tiradoodu ay Sodon qof ka badan tahay,  Waxaa ku jiraa 7 haweena ah .

Halkaan Ka akhriso Xubnaha Puntland.

liiska-xubnaha-aqalka-sareliiska-xubnaha-aqalka-sare-1