Puntland oo bilowday diiwaan-galinta musharixiinta Aqalka Hoose

162

Diiwaan galinta musharixiinta u tartamaya xubnaha Aqalka Hoose ayaa maanta oo Talaado ah ka bilaabatay Magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland.

Guddiga Doorashooyinka Dadban ee heerka maamul gobaleed ee Puntland SIEIT ayaa Magaalada Garowe ka sheegay in ay si rasmi ah u bilaabeen diiwaan-galinta musharixiinta.

Gudoomiyaha guddigaasi Khalliif Aw Cali  ayaa sheegay ergooyinkii dooran lahaa hubnaha Aqalka hoose inay diyaar yihiin.

Hadalka Guddiga Doorashooyinka Dadban ee maamulka Puntland ayaa timid ka dib markii Garowe ay gaaraan wafdi ka socda guddiga doorashada her Federaal ee Soomaaliya.

Guddiga ayaa maalmahan Magaalo-madaxeedyada maamul gobaleedyada dalka ka wada Socdaal qiimayn ah oo Ku aadan doorashooyinka.

Maanta oo Talaado ah ayaa la filayay inay si toos u bilowdaan doorashada Aqalka Hoose ee Soomaaliya.

Baraha bulshada gaar ahaan Bogga fariimaha gaagaaban ee Twitter- ka ayaa aad loogu hadal hayaa dib u dhac Ku yimid doorashada Aqalka Hoose.

Faadumo Dhayib oo ah gabar u taagan xilka madaxtinimo ee Soomaaliya ayaa Twitter-keeda soo dhigtay hadal ay Ku cabiraysay dib u dhaca doorashada xubnaha Aqalka Hoose.

The lower house (s)election deadline has come & gone. Presidential (s)elections slated for 31 of November will must likely be in Jan 2017.@fadumo tayip.

“Kama dambaysta doorashada Aqalka hoose waqtigiisa waa uu dhamaaday.Doorashada Madaxwaynaha waxaa loo jadwaleeyay 31 ka November, waxaa ay u badantahay inay dib ugu dhacdo Bisha Janaayo 2017”