Puntland oo Dowladda ku eedaysay dagaalka Gaalkacyo Dhagayso

254

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Wali max’ed Cali Gaas, ayaa dowladda Federaalka  Soomaaliya ku eedeeyay in ay ka dambeyso dagaalka ka soconaya Magaalada Gaalkacyo ee u dhexeeya Maamullada Galmudug iyo Puntland,kaas oo ku dhawaad saddex todobaad ka soconaya halkaasi.

C/Wali Gaas oo maanta ka soo laabtay Dalka Isu-tagga  Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in Dagaalka Gaalkacyo laga leeyahay dano siyaasadeed oo lagu doonayo in lagu baajiyo doorashada Soomaaliya ka dhaceysa.

Waxaa uu sheegay in Maamullada Puntland iyo Galmudug, aysan wadin dagaalka ee ay ka dambeyso Dowladda Federaalka ah.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in dagaalka Gaalkacyo uu muujinayo sida aysan Dowladda diyaarka ugu ahayn nabad ka dhalata dalka,waxaa uu sidoo kale sheegay in midnimada iyo nabadda oo la dhibaateeyo aysan Puntland u dulqaadan karin.

Halkan ka dhagayso shirka jaraa’iid ee Gaas.