Puntland oo fasaxday lacagta 500 ee shilinka Soomaliga.

242

Warqad ay soo saareen  Guddiga difaaca Gobolka Mudug ee Puntland ayaa dib loogu fasaxay Adeegsiga lacagta Shanta boqol ee Shilin Soomaaliga ah,taas oo maalmo ka hor lagu joojiyay amar ka soo baxay Madaxweynaha Puntland C/Wali Max’ed Cali Gaas.
Guddiga oo ka kooban maamulka Gobolka Mudug,Xildhibaanno iyo Wasiirro ka tirsan Maamulka Puntland ayaa lagu fasaxay isticmaalka lacagtaasi shanta boqol xooshka ah.
Warqaddan ayaa waxaa ku saxiixan Agaasimaha guud ee Bangiga dhexe ee Puntland,Guddoomiyaha Bangiga,Wasiirka Maaliyadda iyo madaxweynaha maamulkaasi ayaa lagu sheegay in qiimeyn ay ku sameeyeen kadib ay u soo baxday baahi badan in loo qabo adeegsiga shanta boqol loona baahan yahay in la fasaxo adeegsigeeda.
Maalmo ka hor ayuu Maamulka Puntland Gaalkacyo ka mamnuucay lacagta shanta boqol,waxaana sidoo kale horay looga joojiyay Magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso.

 

lacag