Puntland oo joojisay doorashada Aqalka Hoose

315

War qoraal oo  ka soo baxay Madaxtooyada Puntland oo loo diray Guddiga Doorashooyinka ayaa amar lagu siiyay in howlaha doorashada la hakiyo.

Warqada waxaa ku saxiixanaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar, waxayna Puntland qoraalkan ku sheegtay in aan wax doorasho ah la qaban doonin  ilaa wax laga qabto qaabka hada loo qaybinayo xubnaha Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi.

Puntland ayaa mar sii horreysay sheegtay inay dooneyso in beelaha Sool iyo Sanaag xubno ka helaan xubnaha Aqalka Sare ee loo quundeeyay Somaliland.

wareegto