Ra’iisulwasaaraha oo booqasho ku tagay Puntland

185

Labo CabdiweliRa’iisulwasaaraha dawladda dhexe ee Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed iyo wefdi balaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa gaadhay magaalada Garoowe ee xarunta maammulkaasi Puntland, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay isaga iyo wefdigiisa.

Sida ay xogta ku heshay Xaqiiqa Times ra’iisulwasaare Cabdiweli Sheekh Axmed iyo madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas ayaa imminka leh kulan gaar ah, waxaana qorshuhu yahay in lagu soo bandhigo arrimo ay ka mid yihiin xal u helida dhammaan waxyaabihii keeney khilaafaadka siyaasaddeed ee jira iyo ugu danbeyn in laga gaaro heshiis rasmi ah murankaasi.

Wadahadaladaasi ayaa ku soo beegmaya, xilli dawlad gobolleedka waqooyi bari Soomaaliya ee Puntland ay horey dhawr jeer xiriirka ugu jartay dawladda dhexe.