Qaab ceenkee ah ayuu u dhacay dilkii Col. Qoorgaab

454

Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa faah-faahin ka bixisay dilkii taliye ku xigeenkii ciidanka madaxtooyada kaasi oo dhacay shalay galinkii dambe.

Dilkan ayaa ka dhacay gudaha madaxtooyada oo ah meesha loogu ilaaliska badan yahay guud ahaan wadanka Soomaaliya.

Shadoor Xaaji Maxmuud, oo ah agaasimaha warfaafinta madaxtooyada oo aan qadka telfoonka kula hadalnay ayaa faahfaahin ka bixiyay dilka qaabka uu u dhacay.

Shadoor, ayaa sheegay in askariga dilka gaystay uu ahaa askari sameeyay amar diido.

“Taliye hurankiisa ayaa kusoo dacweeyay xafiiska takiye ku xigeenka la dilay Col.Cabdi Cabdulle Qoorgaab, askariga waa loo yeeray, waxaana taliyuhu askarta uu ku amray in la xiro amar diidada uu sameeyay dartiis, ka dibna waxaa uu rasaaseeyay taliye taasi oo keentay inuu geeriyoodo taliye Qoorgaab” ayuu sheegay Shadoor Xaaji.

Ahaasimaha warfaafinta  madaxtooyada Shadoor Xaaji, ayaa sheegay in intii taliyaha lagu mashquulsanaa uu baxsaday askariga dilka gaystay.

Ka sokoow warka madaxtooyada ka soo baxay waxaa jira warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helayno madaxtooyada oo sheegaya in dilka uu yimid ka dib markii muran toos ah uu dhexmaray taliye ku xigeenka iyo askariga dilka gaystay.

Wararka waxay sheegayaan in askariga uu taliyuhu waydiistay mushaarkiisa, ka dibna uu taliyuhu ku Yuri askariga “orad Jawaari ka doono” taasi oo ka xanaajisay askariga islamarkaana uu dilo marxuum col. Goorgaab.

Madaxtooyada oo ay joogaan ciidamo gaar u tababaran iyo kuwo ka tirsan kuwa midowga Africa ee AMISOM sidee ayay askari dil gaystay ugu suuro gashay inuu baxsado, sidee ayuu noqon doonaa ammaanka madaxtooyada dilkaasi ka dib? Sidee ayuu noqon doonaa ammaanka dadka tagaya madaxtooyada? Malaga yaabaa inaan la isku aaminin ciidanka Soomalida ah ka dib dilka Col. Qoorgaab.