Qaabdhismeedka Istiraatijiyadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya 2017-2020

144

Qaabdhismeedka Istiraatijiyadda
Qaramada Midoobay ee Soomaaliya
2017-2020

“Laga taageero Soomaaliya xaqiijinta Hadafyada Mud-
naanta u ah iyo Hadafyada Caalamiga ah ee Horumarinta”

Qaab-dhismeedka Istiraatijidda Qaramada Midoobay waa qorshe saddex sanna-doodle ah oo hage u noqonaya hawlaha Qaramada Midoobay isla markaana soo bandhigaya istiraatijiyadda guud ee Qaramada Midoobay, hawlaha ay qaban doonto iyo tallaabooyinka lagu taageerayo dawladda Soomaaliya sidii ay u xaqiijin lahayd arrimaha mudnaanta barnaamijka horumarinta ah iyo Hadafyada Ho-rumarinta ee Caalamiga ah (SDGs).

Dhammaystirka Qaab-dhismeedka Istiraatijiyadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay ku soo beegmaysaa wakhti uu Soomaaliya ka socdo isbeddel.

Iya-doo la dhammaystiray hannaakii doorashada iyo dhismiha maamul-go-boleedyada, la ansixiyey Qorshaha Horumarinta ee Heer Qaran isla markaana uu dhammaaday Heshiiskii Hiigsiga Cusub; Qaramada Midoobay waxay diyaar u tahay in ay muujiso sida ay uga go’an tahay in ay gacan ka gaysato horumarinta Soo-
maaliya sannadaha soo socda.

ISTIRAATIJIYADAHA MUDNAANTA AH

Taageerada Qaramada Midoobay ee wajiga labaad ee nabadda iyo qaran-dhisidda Soomaaliya waxay diiradda saaraysaa Shan qodob oo mudnaan ah oo isku xidhan
oo si wada-jir ah loo fulinayo.

Si loo taageero “Sii-adkaynta hannaanka federaalka iyo qaran-dhisidda, taa-geeridda xallinta khilaafaad iyo dib-u-heshiisinta iyo diyaarinta doorashooyin
guud” Qaramada Midoobay waxa ka go’an in ay xoojiso xidhiidhka ka dhexeeya Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Maamul-Goboleedyada Dawladda
Federaalka ah si heshiis looga gaadho dhammaan arrimaha la xidhiidha hannaanka
Federaalka ee Soomaaliya.

Qaramada Midoobay waxay sii-adkayn doontaa
Maamullada hoos yimaadda Federaalka si looga saacido in ay si firfircoon uga qayb-qaataan hannaanka federaalaynta. Waxa mudnaan la siin doonaa samaynta
khariidada loo marayo hanaanka geeddi socodka dib-u-eegista Dastuurka kaas oo noqonaya mid mudnaan lasiinanayo inuu ahaado mid loo wada dhan yahay, laga
wada qayb-qaato isla markaana ku dhisan wada-xaajood iyo is-qancin.

Qaramada Midoobay si ay gacan uga gaysato doorashooyinka guud ee dhici doona 2021
waxay taageeri doontaa samaysta shuruucda doorashada, siyaasadaha iyo hay’adaha suurtotgalinaya in doorashadu ku dhammaato jawi nabdoon.

Iyadoo la raacayo istiraatijiyadda ah “Taageeridda hay’adaha ku hawlan horumarinta nabadda, amniga, caddaaladda, ku-
dhaqanka sharciga iyo bedqabka Soomaalida”, ujeeddada Qaramada Midoobay waxay tahay in maamullada Soomaalidu sug-
aan amniga dadkooda khilaafaadka gudahoogana si nabad ah u xalliyaan.

Qaramada Midoobay way sii wadi doontaa in ay
taageerto AMISOM iyadoo sidoo kale taageeraysa samaynta hay’ado habboon oo amni oo Soomaaliyeed oo kharashkooda la
awoodi karo, lala xisaabtami karo, isla markaana ay korjeegeeyaan madax rayid ahi.

Waxa hoga-tusaalayn la siin doonaa han-
naanka maaleeshiyaadka loogu darayo ciidamada loogana dhigayo ciidamo Soomaaliyeed oo amniga suga, waxaana la bal-
laadhin doonaa barnaamijka Qaramada Midoobay ee Soo-kabashada Bulshada, Fidinta Maamulka Dawladda iyo Wada-
xisaabtanka ee loo soo gaabiyo (CRESTA/A) si wax looga qabto baahida loo qabo isku-xidhka qorshaha ay dadku hor kacayaan
iyo dib-u-curashada hannaanka dawladnimo.

Taageero istiraatiji ah iyo taageero farsamaba waa la siin doonaa dawladda Soo-
maalida si looga hor tago loolana dagaalamo rabshadaha ku dhisan xagjirnimada.

Iyadoo la raacayo istiraatijiyadda ah “Xoojinta wada-xisaabtanka iyo taageeridda hay’adaha dhawra” Qaramada Midoobay
waxay taageeri doontaa aasaasidda Komishanka Qaranka ee Xuquuqda Aadamaha waxayna dardargelin doontaa hay’adaha
xuquuqda aadamaha ee sii jiray. Qaramada Midoobay waxay bixin doontaa taageero farsamo si loo fuliyo qodobbada ka soo
baxa Shirweyneyaasha Caalamiga ah ee Golaha Xuquuqda Aadamaha ee Qaramada Midoobay, waxayna sii wadi doontaa in
ay kormeerto, diwaangeliso isla markaana u ololayso wax-ka-qabashada xadgudubyada lagula kaco Sharciga Caalamiga ah ee
Xuquuqda Aadamaha.

Sidoo kale Qaramada Midoobay waxa ka go’an in ay Soomaaliya ka taageerto la-dagaalanka
musuqmaasuqa, kor-u-qaadista hufnaanta iyo xoojinta wada-xisaabtanka.

Si loo kordhiyo madmadow la’aanta, waxa dawladda
laga taageeri doonaa in ay ka warqabto isla markaana xoojiso nidaamka ay kula soconayso halka ay deequhu maraan.

Naxdinaha soo noqnoqda ee ka dhaca Soomaaliya waxay dabar ku yihiin hawlaha soo-kabashada, waxayna hagardaamo ku
yihiin horumarka. Iyadoo laga duulayo istiraatijiyadda ah “Xoojinta dhabaradayga hay’adaha, bulshooyinka iyo dadweynaha
Soomaalida” Qaramada Midoobay waxay hawlihii gurmadka bani’aadanimada ku ladhi doontaa barnaamijyo soo-kabasho ah
oo mustaqbalka fog wax ka qabta arrimaha sababta u ah nugaylka Soomaalida. Qaramada Midoobay waxay diirrada saari
doonaa dhisidda awoodda wax-qabad ee dawladda iyo adkaysiga hay’adaheeda, adkaynta siyaasadaha iyo shuruucda iyo xo-
ojinta hawlaha isu-duwidda ah ee dawladdu hoggaamiso.

Sidoo kale Qaramada Midoobay waxay taageeri doonta dhismaha
bulsho isku xidhan oo laga wada mid yahay, waxayna xoojin doontaa soo-kabashada qoysaska Soomaalida iyo helitaanka nolol-
maalmeed lagu tiirsanaan karo.

Sidoo kale waxay dhisi doontaa ama dayactir ku samayn doontaa kaabeyaashii guud iyadoo
isla markaana taageeraysa wax-soo-saarka bulshada ee xoojinaya soo-kabashada sida abuurista fursadaha shaqooyinka oo
mudnaan la siin doono.

Qaramada Midoobay waxay taageeri doontaa hindiseyaasha lagula tacaalayo isbeddelka cimilada,
maamulka khayraadka dabiiciga ah, helitaanka tamarta la cusboonaysiiyo, yaraynta khatarta masiibooyinka iyo xoojinta ka-
diyaargarowga xaaladaha degdegga ah.

Qaramada Midoobay waxay bulshooyinka ka caawin doontaa sidii ay xal waara ugu heli
lahaayeen barakaca.

“Taageeridda fursadaha dhaqan-dhaqaale ee Soomaalida, ee horseedaya yaraynta wax-ku-oolka ah ee saboolnimada, he-
litaanka adeegyo aasaasi ah oo joogto ah iyo horumar laga wada qaybgalo loona siman yahay” waxay lagama-maarmaan u
tahay in la helo nabad iyo horumar lana joogteeyo guulaha siyaasiga ah ee la gaadhay.

Sidaa daraadeed, Qaramada Midoobay
waxay taageeri doonaa hannaanka ay gadh-wadeenka ka tahay Hay’adda Maaliyadda ee Caalamiga ah, gaar ahaana cafiska
daymaha iyo maalgelinta kaabeyaasha muhiimka ah.

Waxay sidoo kale taageeri doontaa kordhinta wax-soo-saarka iyo
macaashka beeraha, xoolaha iyo kalluunka.

Qaramada Midoobay waxay sii xoojin doontaa caawimadeeda la xidhiidha he-
litaanka adeegyo waxbarasho iyo kuwo caafimaad oo tayo leh, waxayna siin doontaa daneeyeyaasha dawladda ah iyo kuwa aan dawladda ahaynba sidii loo samayn lahaa jawi ku habboon hindiseyaasha wax-soo-saarka, helitaanka tamar joogto ah iyo
fursado dhaqaale.

Qaramada Midoobay marka ay barnaamijyadeeda qorshaynayso iyo marka ay fulinaysaba waxay ahmiyad gaar ah siin doontaa hawlaha si toos ah iyo si dadbanba u horseedaya shaqo-abuur, gaar ahaan shaqo-abuurka dhallinyarada.

Iyadoo ay kuwaasi yihiin hadafyada mudnaanta ah, Qaramada Midoobay waxa ka go’an in saddex arrimood oo hadafyadaa ka
wada dhexeeya ay shaqooyinkeeda oo dhan sal u ahaadaan sannadaha soo socda.

1) Sinaanta Jinsiga iyo Awoodaynta Haweenka 2) Xuquuqda Aadamaha, 3) Hawlgelinta iyo Shaqaalaysiinta Dhallinyarada.

Sidoo kale fulinta Istraatijiyadda
Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa hagi doona mabaadii’da Iskaashiga Cusub ee Soomaaliya, heshiiskaas oo qeexaya
xidhiidhka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.

DHAQAALAHA LOO BAAHAN YAHAY

Dhaqaalaha loo baahan yahay si loo gaadho shanta istiraatijiyadood ee mudnaanta u ah Qaabdhismeedka Istiraatijiyadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya inta udhaxaysa 2017 ilaa 2022 waxa lagu qiyaasay 2.88 bilyan oo Doollar. Boqolkiiba afartan dhaqaalahaasi