Qaar kamida dhaawacyadii Centeraal oo loo qaaday Dalka Imaaraatka.

Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay qaadista qaar ka mida bukaanadii waxyeelada ka soo gaartay qaraxii Centeraal ee jiifay Isbitaalada Magaalada Mqudisho,oo dhaqaatiirtuna ay sheegeen in aan waxba looga qbaankarin gudaha Dalka.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya,Xaawo Xasan Maxamed ayaa warbaahinta Maanta u sheegtay in ay gacan ka heleen Dowladda Imaaraatka carabta sidii loo daweynlahaa bukaanada jiifay Isbitaalada Gudaha ee qaba dhaawacyada culus ayna kaga mahadnaqayaan garab istaaga wanaagsan oo ay ka helaan Dowladda Imaaraatka.

Bukaanadan Maanta loo qaaday Imaaraatka ayaa gaaraya 13 bukaan kuwaasi oo dhamaantood ahaa kuwii waxyeelada ka soo gaartay qarixii Centeraal.

Dhanka Wasiirka arimaha Diabadda Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye ayaa sheegay in ay Dowladda Soomaaliya ay ku dadaali doonto xaqiijinta sidii Dadkan dhaawacyada qaba ay u heli lahaayeen daaweyn,waxa uuna intaasi ku daray in ay aad uga mahadnaqayaan Dowladda Imaataadka doorkooda garab istaaga ah.

Xukuumadda ayaa Maalmihii dambe waxa ay ku howlaneed sidii ay gar gaar dibadda ah u heli laahaayeen bukaanada qaba dhaawacyada culus ee yaala Isbitaalada Magaalada Muqdisho kuwaasi oo waxyeealda ka soo gaartay qarixii Centeraal oo ay ku dhinteen Dad badan oo ay ku jireen Xildhibaano iyo gudoomiye ku xigeenkii Gobolka Banaadir.