Qaban qaabo balaaran oo lagu soo dhaweynaayo Ra’isal was are Cabdi wali sheeekh oo kasocoto magaalada Jowhar

311

raisul-Wasaaraha-somalia Qabanqaabo lagu soo dhoweynayo wafdi uu horkacayo ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa ka socota magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

Booqashada ra’iisalwasaaraha ayaa la sheegay in ay tahay sidii uu indhihiisa ugu soo arki lahaa mashaariic ay dowlada ka hirgelinayo magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

Mashaariicdan ayaa waxaa ka mid ah dhismooyin loo dhisayo xarunta maamulka degmada Jowhar,saldhig boolis, iskuul iyo isbitaal.

Sidoo kale wasaarada beeraha ayaa waxaa ay ka hirgelinaysaa degmada Jowhar howlo isugu jira carro tuur lagu samaynayo wabiga Shabelle iyo dayactir lagu samaynayo kanaalada ay burburiyeen fatahaada wabiga Shabelle.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa la adkeeyay iyadoo ciidamo boolis ah lagu arkayo magaalada Jowhar. Waa markii ugu horeysay ee ciidamo boolis ah ay gaaraan Jowhar iyadoo hore madaxweyne Xasan Sheekh uu u ballanqaaday maamuka degmada Jowhar in si degdeg ah lagu keenayo ciidamo boolis ah magaalada Jowhar.