Qabanqaabada Shirka Maamul U Samaynta G/Dhexe oo Ka Socota Cadaado

244

11072012_906915535995762_2542573636756251969_n

Waxaa magaalada Caadado ee xarunta u ah Maamulka Ximin iyo Xeeb ka soconaya qabanqabaada shirka maamul u samaynta Gobollada Galgaduud iyo Mudug oo la filayo inuu dhawaan halkaasi ka furmo.

Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa isku dayay inay  adkeeyaan amaanka
magaalada ,waxaana magaalada iyo nawaaxigeedaba la dhigay ciidamo
xaqiijinaya amaanka.

Madaxweynaha Maamulka Ximin iyo Xeeb  Cabdulaahi Maxamed Xuseen
Baarleex ayaa sheegay in doorkoodu yahay sugida amniga iyo martigelinta  shirka.
Guddiga Maamul u samaynta Gobollada dhexe ayaa iyana ku howlan sidii
shirka uu uga furmi lahaa magaalada Cadaado, loona soo gaba gabayn lahaa
shirka dib u heshiisiinta ee ka socda magaalada Dhuusamarreeb.
Dhanka kale waxaa is afgarad laga gaaray murankii ka tagaana goobta lagu qaban doono shirka maamul u samaynta Gobollada dhexe, waxaana lagu heshiiyay in shirka lagu qabto magaalada Cadaado halka Dhuusamareebna ay noqon doono Caasimadda Maamulka Gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa bishii hore ku dhawaaqday in shirka maamul u
samaynta Gobollada dhexe ee Soomaaliya ee ka dhici doono magaalada
Cadaado.