QALBIGEYGA KAMA BIXIN

848

shiikh_IdirisAsc shiikh maxamed ILLAHAY DARTII IILA TALI shiikh waxan ahay wiil dhalinyaro ah waxan ku noolahay dal aan dalkaygii ahayn oo aan u joogo waxbarasho jamacadeed waxan sheekaysan jiray gabadh aan arday iyo derisba ahaan jiray markaan joognay dalkeenii mudo ku siman 5sano ayaan wada soconay balantayaduna waxay ahayd markaan waxbarashada dhameeyo inaan guursado aad ayaan isu jeclayn si kastaba ha ahaatee gabadhii way dhooftay balan iyo axdi adag ayaan sii dhiganay markay baxaysay mudo yar markay joogtay europe ayey I tiri qalbigaaga iga saar iskana kay ilow aniga nin africa joogaa ima anfacayee run ahaantii naftaydii way isbedeshay waali baan ku dhawaaday weliba qol cidla ah baan deganaa werwer dartii ayaan sheekaystay waxan joojiyey cuntadii oo iga degi wayday waxa igu adkaatay dhigashadii jamacada waxkastaaba igu soo dhece xataa inaan tahriibo oo naftayda khatar geliyo lkn waxan go”aansaday inaan iska illaawo dhabadhaa weliba waxa jira siyaabo badan oo aan uga aar goosankarayey lkn illahay dartii baan uga xishooday shiikh qalbigayga haben iyo maalin iyada ayaa I hortaagnayd xataa xiisadaha sidaan ugu jiro ayaan is arkayaa anoo baxay oo iyada ka fakaraya ayaan mar mar is arki jiray shiikh waxa hada kasoo wareegtay mudo sanad ah weli gabadhaasi qalbigayga kama bixin markasta oo aan xusuustana murugo ayaa iqaadaysa xataa gabdhaha kale sheekadoodu iima dhadhamayso gabadhaasuun baa ii cad shiikh maxamedoow illahay dartii iila tali gabadhaa sidaan ku ilowsiiyaa naftayda iina soo ducee in illahay qalbigayga kasaaro murugadaa jacaylku I baday JASAAKA LAAH SHIIKH DEDAALKAAD DIINTA UGU JIRTO RABII JANADIISA HA KUGU ABAAL MARIYO XAQANA HA INA WAAFAJIYO

===================

Wac Salaam Wr Wb,

Saaxiib Ilaahay jacaylka kuguma dhibo, wax ku jirrabana kaagama dhigo.. Gabadha Qalbigaagu Raacay ee ku diideyna Wax kaaga Khayr Badan Allaha kuugu Bedelo…

Had iyo goor dhalinyarta waxaan ku cel celiyaa guurka ka hor qofna qalbigaaga si adag ha ugu xirin, waayo xarig qofkaa kuu qabanayaa ma jiro, guurna inaanu suurta gelin ayaa dhici karta hadhawna uu cudur kugu noqdo, sidii laga sheegay majnuun laila ama cilmi boodhari..

Wexeyna ka mid tahay xikmadaha islaamku u diidey xiriirka guurka ka horreeya, si kooban oo sharciga waafaqsan mooyaane, mar walbana dhalinyarta waxaan leeyahay xiriirkaas ka jooga calafka seegi meysaane..

Saaxiib Allaha ku dhawree, duruuftaada waan qaddarin karnaa, laakiin gabadha ku suuqa kugu iibisey, sida fududna ballantaad la gashay kaaga baxday, ma mudantahay inaad u oydo?

Sow maba dhici karin jacaylkaad u qabto intey ka faa’iidaysato iney Bohola waaweyn oo aadan kasoo waaqsankarin kaa tuurto?

Sow ma dhici karin iney kugu noqon lahayd mid diinta kaa fidnaysa adduunyada maslaxadaada ku ilowsiisa dadka iyo qaraabadana kaa jarta waalidkana isku kiin dirta oo khasaaro ku dhaxalsiisa?

Sow ma dhici karin saaxiib iney noqon lahayd mid nolosha kugu dhibta, oo bidaar madaxaaga ka jeexda sida uu ii soo qoray nin asxaabta ka mid ah oo yiri – anoo yar buu kulaylkeeda bidaar iga soo saaray – oo adiga ilaahay ku dhaafiyey?

Saaxiib qadarta oo aan si wanaagsan u rumayno niyadda ayaa inoogu degta, nafta ayaa inoogu raaxaysata, kalsooni ayeynu ka helnaa, waxa ilaahay inoo qoray iney khayr inoo tahay, sidaas darteed ayey rumaynta qadartu tiir iimaanka ka mida tahay..

Saaxiib waxba ha wel welin, gabadha khayr allaha horteeda dhigo, adigana wax ka khayr badan ilaahay ka sug, Allahna wuxuu kuu qaddarey raalli ku noqo sidaasa kuu khayr badan, berri ayaad arki doontaa in sha allah qalanja kale oo qalbigaagu u furmo, dhoolla cadayskeedu maankaaga rogo, tii horana aadba hilmaanto…ha sugi waayin wey soo socotaa oo kaama dheera insh.

Cibaada iyo salaadda ha deyn, kalsooni rabbigaa ku qab, adduunyadu hal gabar maaha, maalin dagaal aad ku jabtay ha u liicin, dikriga ilaahay ku dheg, jaamacadda meel sare ka gal, hadii aad hal imtixaan ku jabtay maxaa kaloo islaamku kuu dirsan lahaa? Meeqa waajibaad ayaa ku sugaya? Ilaahay tawfiiq iyo khar ayaan kaaga baryey.

www.xaqiiqa.com