Qaramada Midoobay oo soo dhowaysay heshiiska awood qaybsiga ah ee Galmudug iyo Ahlusuna

172
Press Encounter by Mr. Michael Keating, Special Representative of the UN Secretary-General for Somalia
Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Michael Keating (Sawir hore, Xaqiiqatimes)

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ambassador, Michael Keating ayaa soo dhoweeyay heshiiska awood qaybsiga ah ee maanta magaalada Muqdisho ay Ku kala saxiixdeen maamulada Ahlusuna Waljamaaca iyo Galmudug.

Danjiraha, oo warsaxaafadeed kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxaa uu Ku sheegay in heshiiskan uu yahay mid tusale wanaagsan u ah goobaha kale ee isqabqabsiyadu ay ka taagan yihiin.

Waxaa uu sheegay in uu yahay war wanaagsan oo u soo yeeray dadka Soomaaliyeed.

“Waa dareen jawi heer sare leh inaan maanta goobjoog ka ahaado heshiiska awood-qaybsiga ah ee ay kala saxiixdeen Galmudug iyo Ahlusuna Waljamaaca” ayuu danjire Keating Ku yiri war kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

“Waa war cusub oo wanaagsan oo u soo yeeray Bulshada Soomaaliyeed, waa tusaalaha qaraarada ka hortaga isku dhacyada ama dib u heshiisiinta goobaha kale, HAMBALYO” ayuu sidoo Kale sheegay danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.