Qaramda midoobey oo cambaareysay nin lagu dilay Kismaayo

291

dakada-kismaayoXafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqda aadanaha ayaa codkooda ku biiriyay in la joojiyo toogashada degdegga ah kadib markii magaalada Kismaayo shalay lagu toogtay nin dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay in uu sagaal maalmood kahor diley mid kamid ah oday dhaqameedyada gobolada Jubbooyinka.

Maamulka Jubba ayaa loogu baaqay in uu joojiyo go’aanka degdegga ah ee dil toogasho ah qof lagu fuliyo iyadoo aan si wanaagsan loo baarin dambiga lagu soo oogay.

“Ninka waxaa lagu helay dambi toddobaadkii hore, mana aha mid cad cidda ku heshay dambiga xitaa waxaa suurtogal ah in maxkamad aan la soo taagin,” ayuu yiri afhayeenka xafiiska qaramada midoobay u qaabilsan xuquqda aadanaha (OHCHR).Rupert Colville.

Afhayeenka oo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Geneva ayaa xusay in ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM ay maamulka kumeelgaarka ah ee Jubba ka codsadeen in aan dilka la fulin balse codsigooda lama tixgelin.

“Sharciyada caalamka u yaal dilka waxaa la fuli karaa marka maxkamad qofka la horgeeyo oo si sharci ah loo dhagaysto waxa lagu soo eedeeyay,”ayuu yiri Mr. Colville.

“OHCHR waxa ay ka walaacsan tahay dilka sida dhaqsaha ah loogu fuliyay Kismaayo, sagaal maalmood oo kalya ayaa u dhexeysa xilligii la dilay oday dhaqameedka iyo qofkii lagu soo eedeeyay, taasoo ah in qofka eedeysanaha ah uusan helin cadaalad ay ka mid tahay in uu racfaan qaato. Xitaa qofka dil lagu xukumo waa inuu raadsan karaa cafis.”

Xafiiska ayaa ugu baaqay dowlada Soomaaliya in ay joojiso dilka toogashada ah iyadoo xustay in dowlada Soomaaliya ay ka mid tahay wadamada taageeray shirkii golaha guud ee Qaramada Midoobay 2012 kaasoo ku baaqayay in la joojiyo dilka toogashada ah.

Warbixin uu soo saaray xafiiskan ayaa lagu sheegay in 34 ruux lagu fuliyay dil toogasho ah illaa iyo bishii Janaayo 2013. Iyadoo kii ugu dambeeyay uu ahaa dil lagu fuliyay magaalada Kismaayo.

www.xaqiiqa.com