Muqdisho: askar lagu dilay qarax lala eegtay gaari

216

Gaadiidka-gurmadka-booliskaUgu yaraan seddex askari ayaa ku dhintay shan kalena dhaawacyo kala duwan ayaa gaadhay, kaddib qarax loo adeegsaday miino nuuca meelaha fog laga hayo oo lala bartilmaameedsaday gaari dagaal oo ay saarnaayeen ciidamadda dawladda dhexe ee Soomaaliya qaarkood, kaasoo ka dhacay agaggaarka warshaddii hore ee caanaha ee degmada Hodan.

Dad goobjoog u ahaa dhacdadaasi oo warbaahinta la hadlay  waxay sheegeen inay jiraan khasaare kale oo gaadhay shacab hareer marayay waddada uu qaraxaasi ka dhacay.

Ilaa iyo imminka ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay masuuliyadda weerarka, hase ahaatee isla goobtaasi goor sii horreysay waxaa qarax uu ka samatabbaxay lagula eegtay taliye sare oo ka tirsan ciidamadda difaaca Soomaaliya.