Qarax xooggan oo markale ka dhacay Muqdisho

235

Garaash-gubtay

War degdeg ah oo imminka soo dhacay ayaa sheegaya in qarax markale uu ka dhacay garaash ku yaal agaggaarka xaafadda NBC ee degmadaasi Hodan, kaasoo sida lagu soo warramayo ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaadheen ugu yaraan shan qof oo shacab ah sidoo kalena sababay khasaare hantiyadeen oo ay ku jiraan gawaari dadweyne, iyada oo dabkii ka dhashay qaraxaasi damintiisa ay gacan ka geysteen dab damisyada shirkaddaha isgaarsiinta iyo kuwa maammulka gobolka Banaadir si uusan ugu sii fidin dhismeyaasha kale ee ganacsiga. 

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in qaraxu ahaa mid markii hore lagu soo xiray gaari lasoo dhigay garaashka, kooxihii watayna ay goobtaasi ka baxsadeen waxyar ka gadaal markii milkiilayaasha garaashku ay  laamaha amniga ku wargeliyeen dareenka jira.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada qaraxa, hase ahaatee ciidamadda ammaanka ayaa weli baaraya dhacdadaasi  wixii warar dheeraad ah ee kusoo kordha kala soco Xaqiiqa Times.