Ayadoo wali ay Donald Trump uu Ku adkaysanayo cunoqobataynta dhanka socdaalka ah ee uu Ku soo rogay dalalka Soomaaliya Ciraaq, Iraan, Liibiya, Yemen, Siiriya iyo kuwo Kale, ayaa wali waxaa jira dad Soomaaliyeed oo galaya dalka Maraykanka.
Dadka ugu dambeeyay ee dalka Maraykanka waxaa ka mid ah Sahro Xasan Absuge, oo 36 ah oo wadata 8 carruur ah.
Sahra iyo carruurteeda waxaa si wayn loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaraha Caalamiga ah ee Magaalada Kansas ee dalka Maraykanka.
Sahro iyo carruurteeda ayaa ka duulay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayagoo arbacadii gaaray dalka Maraykanka
Sahro ayaa wadata Cabdiraxmaan, 18 jir ah Maxamed, 17 jir ah Yaxye, 14 jir ah Anas, 3 jir ah iyo carrur kale.