Qaxooti Yeman U Dhashay oo Soo Gaaray Soomaaliya

49c3c9150

 

 

Hey’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee (UNHCR)  ayaa sheegtay in kooxdii ugu horresay ee qaxooti reer Yeman ah ay soo gaareen Soomaaliya.

32 ruux oo ah muwaadinin reer Yeman oo ka yimid magaalada Ticis ayaa soo gaaray magaala xaabeedka   Berbera  ee Waqooyiga Soomaaliya  kaddib 12-saacadood oo ay badda ku soo jireen.

Dhinaca kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hey’adda UNHCR ayaa ka wada shaqeynaya sidii loo soo daad-gureyn lahaa qaxootiga Soomaalida ee ku sugan dalka Yeman.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa sheegay in UNHCR ay masuuliyad ka saaran tahay ilaalinta qaxootiga Soomaalida ee dalka Yeman.

Waxaa dalka Yeman ku sugan qiyaastii  236,000  oo qaxooti Soomaaliyeed ah kuwaasi oo ka qaxay dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya ka qarxay 1991-dii.

Dagaalka lagu qaaday Falaagada Xuutiyiinta ee Yeman oo ay dawladda Soomaaliya taagertay ayaa laga yaabaa inuu samayn ku yeesho qaxootiga soomaaliyeed ee ku nool Yeman taas oo keeni karta in ay dalkaasi gudihiisa ku dhex qaxaan ama dalal kale uga sii gudbaan.