Qaylo Dhaan lagu dalbanayo sii deynta TIICEEY oo lagu qabtay magaalada Minneapolis

233

201433635294875719413821IMG_8051.JPGlllllfree_Tiiceey

Isniin, March 03, 2014 Kulan balaaran oo ay soo qaban qaabiyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota laguna dalbanayay in xabsiga laga sii daayo Madaxwaynihii hore ee Maamulka Ximan iyo Xeeb Max’ed Adan Tiicey ayaa Habeenkii Sabtiga lagu qabtay magaalada Minneapolis.

Kulankaan ooy isagu yimaadeen dadwayne aad u farabadan iyo Hogaamiyaasha Bulshada Gobolka Minnesota ayaa Halkudhagiisu ahaa DAAYA TIICEY (FREE TIICEY)
Waxay dhamaan waxgaradkii ka hadlay goobta ay carabka ku adkeeyeen in Tiicey loola dhaqmo si cadaalad ah ayna sharci daro tahay in qof laysago hayo xabsi iyadoo wax danbi ah aan lagu soo oogin,

Intii uu kulanku socday ayaa waxaa baaq loo diray dowlada maraykanka inay faro galiso arinta Tiicey maadaama uu yahay muwaadin Maraykan ah.

“Sida wuu dhigayo sharica caalamiga ah qofka noocan oo kala ah waa in uu ogaadaa 48 saac gudahood waxa lagu haysto ama la xukumaa marka tan waa xadgudub” ayuu yiri Shiikh Xasan Jaamici oo ah garyaqaan kaaliye macalinna ka ah jaamacad lagu barto sharciga. ”
sidoo kale waxa goobta ka hadashay marwada tiicey marwa Shamsa.
waxaan shacabka Soomaaliyeed ka codsanayaa inay igala qaybgalaan dadaalka aan cadaalada ugu raadinayo Odaygayga in ay igala qaybgalaan inay wacaan safaaradaha ay Belgium ku leedahay aduunka meel ay ka joogaan ,inay iigu Soo Duceeyaan in ilaah sida aad ciwaanka barnaamijka ka dhigteen la sii daayo Tiicey ayay Shamso Hadalkeedii Dareenka lahaa ku koobtay

Waxaa goobta laga qaaday hees aan erayadeedii ka xasuusto Daaya tiicey daaya, waa nin dadaaloo u gurmaday dadkiisee, daaya daaya Tiicey daaya

Waxaa goobta ka hadlay dad farabadan ee ka mid ahaa Cabdi warsame, guddoomiyaha xaafadda 6aad ee magaalada Minneapolis , Shiikh Axmed Taajir Imaamka Masjid Umudu Maxamed, Cabdi Xaashi oo ku hadlay magaca Jaaliyadda Ximan Xeeb kana sheekeeyay waxqabadkii Tiicey uu ka geystay gudaha dalka Soomaaliya, Caabiyo Cabdi oo ah hooyo ay Hawlo badan isla soo qabteen Tiiceey iyo Farxiyo Khaliif oo ka mida Xubnaha u Adeega Jaaliyadda Kana Hawlgasha Ururada Haweenka ee Gobolka.