QISADA BAKHIILKA, WIILKIISA IYO QOF NARTI U AHAA….

423

bbbbb  BBBBAsxaabta waxaan maanta idinla wadaagayaa qiso xikmadi ku dheehan tahey ee aad ii soo jiidatey, taasoo u eg sheeko iska caadi ah laakin marka lala aqriyo xaaladda dalkeenu ku sugan yahey   meel badan uga ekaaneysa., gaar ahaan lacagaha beesha caalamku u yaboohaan dawladda Soomaaliya iyo dalka Soomaaliya guud ahaanba, waxaa sidoo kale meesha ka muuqata in aan bilaash waxba la isku siineyn, mararka qaarkoodna waxaaba laga yaabaa in Soomaalida waxeeda la cunsiiyo ama la qaameeyo.. baddii si sharci darro ayaa looga kalluumeysanayaa, birriga meel kasta ciidamo shisheeye ayaa jooga, cirka xafiis Nairobi ku yaalla ayaa lacagaha ka gurta….wixii kale adinka ayaan idin deynayaa…

……………………..

Nin bakhiil ah ayaa waxaa u soo hoydey nin marti ah, isla markiiba wuxuu bakhiilkii u yeerey wiilkiisii asagoo u sheegeya in nin marti ah oo agtiisa ku weyn uu cidda u soo martiyey, sidaas awgeedna wuxuu ku yiri wiilkiisii: Suuqa inta aadid noo soo gad hilib kan ugu wanaagsan ee suuqa yaalla asagoo lacag u dhiibey.. waxaana sheedda ka dhageysanayey wada hadalka dhexmaraya ninka loo soo martiyey iyo wiilkiisa ninkii martida ahaa..

Wiilkii wuxuu u dhaqaaqey dhanka suuqa, wuxuuna muddo ka dib soo laabtey asagoon waxba soo gadin. Aabihii ayaa weydiiyey aawey hilibkii?

Wiilkii wuxuu ku jawaabey: Aabe waxaan u tagey kawaanlihii, waxaana ku iri hilib kan ugu fiican ood heyso i sii, wuxuuna igu yiri: waxaan ku siinayaa hilib sida is-mariska oo kale ah (Cheese) u macaan, kolkaasaan nafteyda ku iri haddii arintu sidaas tahey waxaa haboon inaan booskii hilibka soo gado Cheese.. waxaana u dhaqaaqey dukaankii lagu gadayey, anigoo ka dalbadey dukaanlihii Cheese kan ugu wanaagsan ee uu hayo, wuxuuna igu yiri: waxaan ku siinayaa Cheese sida malabka u macaan.. mar kale ayaan nafteyda ku iri intii aad gadi laheyd Cheese armey haboon tahey malab inaan gado.. ka dibna waxaan u dhaqaaqey dukaanka malabka saafida ah lagu gado, waxaan ka dalbadey ruuxii gadayey malab saafi ah kan ugn wanaagsan ee uu hayo inuu i siiyo, wuxuuna dukaanlihii igu yiri : waxaan ku siinayaa malab saafinimadiisu la mid tahey biyo xareed ah oo cirka ka soo dagey oo kale.. waxaan mar kale nafteyda ku iri haddii arintu halkaas mareyso, intaan gadi lahaa malab, ninka martida ah buraashadiisa waxaa ka buuxa biyo xareed ah oo sidii cirka ay uga soo dhaceen ah, maxaaban isku lugeynayaa, sidaas ayaan ku soo laabtey anigoo fara maran, waxaana si wacan aan ugu mahadceliyey ninkii dukaanlaha ahaa..

Kolkaas ayuu aabihii inta ku soo boodey wiilkii wuxuu ku yiri: maashaa Allaah lacagtii waad noo badbaadisey, waad igu banaan tahey, waxaadna deeqsi u tahey sida aabahaa oo kale, ninkii martida ahaa waxa agtiisa ka soconaya wuu la socdey asagoo yaaban..

Aabihii ayaa dhegta wiilkiisa inta afka u soo dhoweeyey wuxuu cod gaaban ku yiri: laakin wiilkaygiyow waxbaa kaa hoos baxey, waayo waxaad soo dhameysey dacaskii, waadna soo googoogoysey mudadii dheereyd ee aad u kala goosheysey dukaamada tira badan ee aad sheegtey awgeed…

wiilkii ayaa isna si hoose aabihii ugu jawaabey asagoo leh: aabe see kaa noqotey, sidaas dabaal uma ihi, waxaan xirnaa kabaha ninka martida ah….

Furaha Sheekada: Marti mar walba waa miskiin, waa Soomaaliya.. Bakhiilka: Deeq bixiyaasha…. Wiilka Yar: Hey’adaha kala duwan ee sheegta in ay shaqooyin muhiim ah ka hayaan dalka….. dukaamada kala duwan: waa shirarka kala duwan ee Soomaaliya lacagaha loogu yabooho, oo mar kasta ay ka soo baxaan go’aanno ka duwan baahida Soomaalidu gudbisato..

www.xaqiiqa.com