QISO: WIIL YAR OO FASIRAAD U HELAY MUSUQ MAASUQA SIYAASADEED?

392

Wiil yar ayaa aabihii weydiiyey: waxa loola jeedo Musuqmaasuqa Siyaasadeed ee Mar Walba la sheego?

Aabihii ayaa ugu jawaabey maandhe way kugu adag tahey fahamkeedu marka loo eego da’ yaraantaada, balse waxaan kuugu fasirayaa qaab aad si sahlan ugu fahmi karto mawduuca welwelka kugu haya.

Anigu waxaan bixiyaa qarashka guriga ku baxa oo idil, sidaas awgeed waxaan isku bixinayaa magaca RA’SUMAALI

Maadaama hooyadaa ay arimaha guriga si buuxda gacanta ugu heyso waxaan ugu yeereynaa magaca XUKUUMADDA

Adiguna maadaama hooyada maamulkeeda aad si toos ah u hoos-tagto waxaan kugu magacaabeynaa SHACAB

Wiilka walaalka ah ee hadda dhasheyna maadaama uu yahey himaladeenii waxaan ugu yeereynaa MUSTAQBALKA

Adeegtada guriga nooga shaqeysa ee hoosteena ku nool waxaan ku naaneyseynaa : XOOGAGGA MURUQ-MAALKA AH

Marka su’aashaadii jawaabteydu waa sidaas ee inta baxdid ka soo fakar waxaa suurtagal ah in natiijo kuu soo abxdo’e..

Wiilkii yaraa habeenkii il iskuma geyn, oo hurdo oo dhan waa uu iska waayey, waayo jawaab qancisa odoyga dhankiisa kama helin, asagoo si un u welwelsan ayuu sariirtii ka soo dul kacey saq dhexe goor ay tahey, markaasna waxaa si aad ah u ooyayey wiilkii yaraa ee walaakiis ahaa, dhankiisa ayuu u kacey wuxuuna arkey in uu sariirtiisii yareyd asagoo wasakheysan ku dhex jiro, isla markiiba dhanka hooyadiis ayuu u dhaqaaqey si uu xaaladda wiilka yar ula socodsiiyo, wuxuu ugu tagey hooyadii oo hurdo dheer ku dhex jirto, si kasta waa isugu dayey wuu kari waayey inuu hurdada ka toosiyo, aabihii ayuu dhinaceeda ka fiiriyey, wuxuuna la yaabey inuusan duqii ku sugneyn saacaddaas danbe sariirtii uu ku ogaan jirey..

wuxuu baaritaan u galey odaygii, albaabka qolka gabadhii adeegtada aheyd ee guriga ka shaqeyneysey ayuuna u dhaqaqey, halkaas oo uu ku arkey odoyagii oo sariirteeda dhinac uga jiifa….wiilkii yaraa asagoo xaaladda ka niyad jabsan ayuu dib ugu noqdey sariirtiisii..

Maalintii xigtey ayuu wiilkii yaraa inta uusan aabihiis weydiin fakarkiisii natiijadii uga soo baxdey, ayuu ku yiri aabe waan fahmey macnaha Musuqmaasuqa Siyaasadeed?

Aabihii ayaa su’aaley sidee u fahamtey?

Aabe waxaan u fahmey in ay tahey ” Marka Ra’su-maaliyaddu ay ku mashquusho haasaawaha xoogagga muruq-maalka ah, Xukuumaduna ay hurdo dheer camirato, Shacabkuna ay welwelkii iyo walbahaarkii ugu darsoonto in la iska ilaawo, Mustaqbalkuna uu noqdo mid looga dhex tagey wasaqda, wax diyaar garowga ah oo loogu talagaleyna aan dhankiisa loo qaadin”…

waa qiso ku qorneyd af-carbeed oo aan soo minguuriyey..

www.xaqiiqa.com