QM oo cunoqabatayn ka qaaday hogaamiye kooxeed u dhashay dalka Afhanistan

353

63eec593c7954114b309f57d797cd372_18

QM, ayaa cunoqobatayntii ka qaaday hogaamiye kooxeed u dhashay dalka Afghanistan kasi oo loo haysto dambiyo ka dhacday dalkaasi.

Hogaamiye kooxeedkan ayaa lagu magacaabaa Gulbuddin Hekmatyar, waxaa uu ahaa hogaamiyaha kooxda Hezb-i-Islaam.

Ninkan iyo Jabhadiisa ayaa ka qayb galay  dagaaladii sokeeye ee Afghanistan ka dhacay sanadii 1990 kii.

Arintan ayaa timid ka dib markii uu heshiis la gaaray dowladda Afghanistan kaasi oo u ogolaan doona inuu ka qayb galo siyaasadda dalkaasi.

Heshiiska ayaa u ogolaanaya in sidoo kale loo soo daayo maxaabiista xisbigiisa ka tirsan ee Ku xiran xabsiyada dalka.

Cunoqobataynta laga qaaday ayaa isu jirta mid dhaqaale iyo mid hub, sida ka muuqata qaraarka QM ee cunoqobataynta looga qaaday hogaamiyahaasi.

Mr• Hekmatyar ayaa qayb wayn ka qaatay dagaaladii looga soo  horjeeday midowgii Soviet, isagoo 1992 Aqbalay inuu noqdo Ra’iisul wasaaraha Afghanistan ka dib burburkii dowladdii uu taageeri jiray midowga Soviet.

Hogaamiyahan ayaa isku qarinayay wadanka tan iyo intii cunoqobataynta lagu soo  rogay, waxaana la filayaa inuu ka soo muuqdo shaashadaha Caalamka.

Wadanka Afghanistan ayaa wali waxaa Ku xoogan kooxda Taliban oo marka  wadanka intiisa badan ka talin jirtay.

Howl-galka NATO ayaa intiisa badan lasoo  gebagebeeyay 2014 kii hase ahaatee waxaa wali Afghanistan Ku sugan 8,400 oo askari oo American ah .