QM oo dalbatay 885 Milyeen oo doolar oo lagu caawinayo dadka ku dhibaataysan Soomaaliya

208

http://hiiraan.com/images/gallery/2016/dec/

Isku duwaha  howlaha Gargaarka Bani’aadanimo  ee Soomaaliya, Peter de Clercq ayaa ku baaqay in la dardar galiyo cawimaada baniaadminimo ee dalka Soomaaliya.
 
“Abaarta Puntland iyo Somaliland ayaa kasii dartay oo kusoo baahday koofurta iyo gobolada dhexe”. Peter de Clercq ayaa sidaa u sheegay beesha caalamka asagoo warbaahinta kula hadlayay magaalada  Nairobi ee dalka Kenya.

Wuxuu sheegay in xaaladu ay intii hore ka murugo badan tahay. http://hiiraan.com/images/gallery/2016/dec/

Wuxuu uu diray baaq ah in Hay’adaha  samafalka ee Soomaaliya ka shaqeeya lala soo gaaro ilaa $885 milyan.

Waxaa jira abaaro ba’an min Somaliland, Puntland, gobolada dhexe ilaa koofurta. Dad badan oo reer miyi ah ayaa xoolihii ka dhammaadeen baad iyo biyo la’aan 

Qaar ayaa markii xoolihii ka dhammaadeen dhawaan is daldalay abaarahan ayaa sii murjiyay xaalada Bani’aadanimo ee Soomaaliya oo markii horeba cago badan ku taagnayn.kalo bar dadka Soomaaliyyed oo ah 5 miliyeen waxaa ay u baahan yihiin gargaar deg deg ah.

In ka badan 320,000 oo carruur Soomaliyeed ah ayaa xaalad nafaqo la’aan ah waxaa ay ku ahysataa gudaha dalka, kuwaasi 50,000 oo ka mid ah xaaladoodu ay aad u liidato, sida lagu qoray bogga twitter-ka ee hay’adda QM u qaabilsan howlaha Bani’aadanimo ee UNOCHA.