

Hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee (UNHCR) ayaa Maanta oo Jimca ah ka digtay in dib loo celiyo Qaxootiga Rohingaha ee ka soo cararay xasuuqa iyo isir-sifaynta maleteriga dalka Myanmar, kuwaasi oo ku sugan Dalka Bangaladhesh.
UNHCR, ayaa ka digtay dib u cilinta qaxootigaas iyadoo aan la hubin xaaladda goobaha la dejinayo oo ay weli ka jiraan tacaddiya ka dhan Muslimiinta laga badan yahay ee Ku nool gobalka Rhine state ee dalka Myanmar oo Ku yaala Qaaradda Asia.
Qaramada Midoobay Hay’addeeda dhinaca qaxootiga ee magaceeda loo soo gaabiyo (UNHCR) ayaa sheegtay in marka hore Gobolka Waqooyiga Myanmar Ku yaala ee Rakhiin, laga shaqeeyo ammaankiisa iyo xasiloonidiisa inta aan qaxootiga Muslimiinta ah ee reer Roghinga, laga soo daabulin xeryaha qaxootiga ee dalka Bangaladhesh oo ay ka mid tahay xerada wayn oo Ku taala magaalo xeebeedka Cox’s Bazar.
Afhayeen u hadlay UNHCR oo lagu magacaabo Adrian Edwards, ayaa sheegay inaanan dadka dib loo celin karin iyadoo aan la hubin xaaladda gobolka Rakhiin ee ay Rohiinguhu degaan.
Bilihii Novembar iyo Decembar ee Sanadkan ayaa la sheegay inay gudaha Dalka Bangaladhesh gaareen 646,000 Qof, kuwaas oo ka cararay gabbood-fallada ka jira Dalka Mynamar sida ay sheegtay hay’adda socdaalka Adduunka ee IOM.