QM oo ka digtay in doorashada Madaxwaynaha ay gaarto 2017

347

War kasoo baxay Xafiiska Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating,ayaa looga hadlay howlaha doorashooyinka ee ka socda Soomaaliya.

Micheal Keating ayaa ka digay in doorashada Soomaaliya ay gaarto Sanadka cusub ee 2017 .

Waxaa uu sheegay in ay haboon tahay in doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ay dhacdo inta aan la gaarin sanadka 2017.

Wakiilka QM ee Soomaaliya, ayaa sidoo kale ku baaqay in si deg deg loo xaliyo tabashada ay qabaan maamulka goboleedka Puntland oo ku aadan doorashada xildhibaanada gobolada Waqooyi.

Keating, ayaa sheegay in Beesha Caalamka ay ka niyad jabi doonto hadii doorashada Soomaaliya ay gaarto sanadka 2017 oo ay ka harsan yihiin 24 maalmood oo qura.

Madaxda maamul goboleedyada soo dhameystiray xildhibaanada Aqalka Hoose ayaa loogu  baaqay in ay si deg deg u saxiixaan , si ay u doortaan Madaxweynaha Soomaaliya.

QM ayaa horay ugu tilmaantay doorashada Soomaaliya mid ay hareeyeen musuq aad u balaaran oo sameyn ku yeeshay bulshada Soomaaliyeed.

screenshot_2016-12-06-08-30-32