QM oo ka hadashay dagaallada Magaalada Gaalkacyo

544

QM ayaa sheegtay in dagaallada muddada Shanta Isbuuc ka soconaya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ay sababeen qasaaro aad u badan.

OCHA ayaa tilmaantay in xaaladda Magaalada oo wali kacsan iyo xabbadaha goos goos ka ah ee la maqlayo ay sii murjisay xaaladda, ayadoo kumanaan dad ah ay barakaceen.

Dagaalkii ugu dambeeyay ayay sheegtay Hay’addu inay ay ku geeriyoodeen 45 qof halka 162  oo ruux ay dhaawacmeen.

Colaadda Gaalkacyo ayaa sababtay inay waxbarasho la’aan ku dhacdo in ka badan 20,000 oo arday.

Magaalada Gaalkacyo ayaa ah Magaalo ay ku noolaayeen dad gaaraya 270,000 ayaa haatan tirada qaxday iyo tirada Magaalada ku sugan ay yihiin tiro la is bar-bar dhigi karo, sida OCHA ay sheegtay.

in ka badan 90,000 oo qof ayaa wali ah kuwo barakacayaal ah, ayadoo 69 kiis oo shuban ah looga shaki qabo inay ka jiraan goobaha ay ku nool yihiin dadka ka barakacay Magaalada Gaalkacyo.

Kumanaankan qof ee barakacayaasha ah ayaa ku nool xaalado adag, ayagoo aan haysan waxyaabaha aas-aasiga u ah nolasha Aadanaha, sida Biyaha iyo nolol maalmeedka kale.

Seddex Hay’adood oo kuwa QM ah, 14  Hay’ado Caalami ah iyo 27  NGO maxali ah oo ka howlgala Magaalada ayaa haatan ka shaqaynaya sidii gar-gaar loo gaarsiin lahaa dadka ay dhibaateeyeen coladda Magaalada.

Waxaa Magaalada Gaalkacyo ka soconaya dadaalo lagu doonayo in lagu dhameeyo dagaallada Magaalada aafeeyey.

Madaxwaynayaasha Maamulada Punt-land iyo Galmudug ayaa maanta gaaray halkaasi, kuwaasi oo lagu wado inay saxiixaan heshiis nabadeed.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa horay u dhex-dhexaadisay labadan maamul inkastoo heshiiskii ay ku soo saxiixeen Magaalada Dubai uu burburay.