QM oo sheegtay in sanadkan gudihiisa Somaaliya lagu dilay 9 ka mid ah shaqaalaha gar gaarka.

181

Xafiiska isku-dubaridka howlaha bani’aadanimo ee Sooomaaliya ee OCHA ayaa  war ay soo saartay waxaa ay ku sheegtay in ay kordheen dhibaatada Soomaaliya loogu gaysanayo shaqaalaha hay’adaha gar gaarka.

 Warbixinta  ayaa sheegtay in Sagaal ka tirsanaa shaqaalaha samafalka  Soomaaliya ka shaqeeya  la dilay sagaalkii bilood ee la soo dhaafay ee sanadkan 2016. Intii u dhaxaysay bihii Janaayo ilaa iyo september ee sanadkan  ayay Hay’adu sheegtay  in tiradaasi ay dil kala kulmeen kooxo hubaysan.

“Boqol dhacdo oo xad-gudub ah ayaa mudo sagaal bilood ka dhacay Soomaaliya, taasi oo sababtay geerida 9 ka mid shaqaalaha gar gaarka” ayaa lagu yiri warka QM.“Badbaadada shaqaalaha iyo ammaanka ayaa ah wali walaac weyn” ayay intaasi ku dartay warbixinta. 

OCHA ayaan si gaar u tilmaamin goobaha lagu dilay shaqalaha gar gaarka.

Soomaaliya ayaa ka mid ah wadamada ugu adag ay ka howl-galaan shaqaalaha gar gaarka ka shaqeeya, daraasiin ka mid ah shaqaalahaasi ayaa la dilay, lana af-duubtay tan iyo 1991.