QM oo weli ka sii digaysa falal burcad baddeed

192

Burcad-baddeed-la-qabtay

Qaramadda Midoobay ayaa markale si rasmi ah shaaca uga qaaday in kororka mashaakilaadka ay ka geystaan xeebaha ka baxsan Soomaaliya kooxaha burcad baddeedu ay imminka hoos u sii dhacayaan kaddib markii ay gaadheen heerarkii ugu hooseeyey  muddooyinkaani danbe.

Madaxa siyaasadda ee ururkaasi, oo lagu magacaabo Jeffrey Feltman ayaa u sheegay xubnaha golaha ammaanka ee Qaramadda Midoobay in markii ugu danbeysay oo la afduubto markab ganacsi oo weyn ay ahayd labo sanno ka hor, taasina ay muujinayso buu yiri dhammaadka kooxahaasi.

Dhinaca kale, Jeffrey Feltman wuxuu ka digay in hawlgalka ka dhanka ah burcad baddeeda uu ku yimaado habacsanaan keenta in markale ay dib u soo celiyaan qorsheyaal ay wax ku afduubanayaan shuftadaasi.

Waqti xaadirkaan in ka badan 37 ajaanib ah ayaa weli ku maqan gacanta burcad baddeeda, kuwaasoo lagu haysto gudaha waddanka Soomaaliya.

Goor sii horreysay, saraakiisha hey’adda badmareenada caalamka ee IMB ayaa laga soo xigtay jiritaanka 7 weerar oo ka dhacay badweynta Hindiya.