Qodobada Habraaca Doorashada Labada Aqal iyo Madaxweynaha oo u baahan ka fiirsi

2673

Waxaa jira dukuminti qeexaya hab-raaca doorashooyinka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Madaxweynaha.

Inkasta oo si nidaamsan loo diyaariyay dukumintigan oo guddoonkii hore ee Barlamaankii 9aad uu diyaariyay, haddana marka aad milicsatid xeerkan waxaa ka muuqanaya arrimo badan oo mugdi uu ku jiro.

Tusaale ahaan, waxa uu ka hadlayaa sida ay u kulmi doonaan labada aqal oo uu leeyahay xeerku maalinta 1aad ayay isku imaanayaan Aqalka hoose iyo aqalka sare, waxaana shir guddoominaya guddoomiyihii hore ee Barlamaanka Mudane Maxamed Cismaan Jawaari.
Kaddib waxa ay iska dhex dooranayaan labada ninka  ugu da’da weyn labada aqal si ay u sameeyaan guddiyo doorasho oo fududeeya habsami u socodka doorashada labada aqal iyo tan madaxweynaha.

Haddaba su’aasha taagan waxa ay tahay, sidee ayay ku dhici kartaa in aqalka sare oo uu golaha shacabka horey u laalay, ilaa haddana aan lahayn xeer ama habraac u gaar ah uu la fariisto markii ugu horreysay golaha shacabka? Waa laba aqal oo kala duwan oo kala guddoomiyeyaal ah.
Sida saxda ah ayay khubarada sharcigu tilmaamayaan in ay tahay in labada aqal midba goonidiisa uu u sameysto habraaca. Aqalka Sare waxaa ku waajib ah inuu iskiis u fariisto oo uu sameysto habraaciisa. Golaha Shacabka waxaa ku waajib ah inuu dastuurka ka saaro qodobka 138 oo horey loogu laalay jiritaanka aqalka sare. Marka uu jitritaanka aqalka sare uu sharci noqdo oo dib loogu codeeyo ayuu la fariisan karaa Golaha shacabka.
Midda kale ee u baahan in loo fiirsado ayaa waxa ay tahay kulminta labada gole in ay imaan karto marka madaxweynaha uu codsado oo kaliya. Laakiin Guddoomiye Baarlamaan uusan isla guddoomin karin labada aqal.
Waxaa kale oo habraaca ka muuqata in tirada guddiyada doorashadu labada aqal ayna ku caddeyn habraaca.

Waxaase la yaab leh in marka uu ka hadlayo shuruudaha laga doonayo qof u taagan xilka Madaxweynaha in ay kamid tahay in ay 20 xildhibaan u saxiixaan, cid kalena uma saxiixi karaan. Laakiin ma caddeynayo ugu badnaan tirada u saxiixi karta halkii qof taasoo keeni karto in hal musharrax uu in ka badan 200 ka saxiixdo si ay musharrixiin badan u waayaan xildhibaanno u saxiixo.
waxaa kale oo uu habraacu soo jeedinayaa in doorashada madaxweynaha ay ka shaqeeyaan 15 xubnood oo ay 10 ka socoto Golaha Shacabka, 5ta kalena ay ka socoto Aqalka Sare oo matalaya dowlad goboleedyada.

Waxaa is waydiin mudan haddii Aqalka Sare 5 xubnood laga qaatay oo kala matalaya 5 dowlad goboleed, waa kee dowlad goboleedka aan guddiga doorashada xubin ku lahayn ee laga tagay?.
Ugu dambeyntii, musharrixiinta ayaa laga doonayaa sida habraaca ku xusan in ay bixiyaan 30 kun oo Doollar, halka musharrixiinta guddoonka labada aqal laga rabo kiiba 15 kun. Taasi waxaa looga gol leeyahay in la iska reebo musharrixiinta tartamaya balse aan haysan taageero ku filan oo ay ugu soo gudbaan wareegga labaad ee doorashada.