Qoomamo aan Qiil Lahayn….(1)

421

mohamed Qisadan Waxaa ii soo qortay gabar walaasheen ah oo Wadan Yurub ka mid ah deggan.. Waa qiso soo Noq noqota, sababteeduna tahay: Markey gabadho hawadeeda iyo Haasawaha beentaa raacdo, Halka Islaamku Qaalli ka dhigayna iyadu shey Raqiis ah iska dhigto, ka dibna ka qoomameyso goor aan Qoomamo wax tarin.. Wax badan ayaan gabdhaha ka waaniney Meherka aan reerku la ogayn iyo dhibaatada uu leeyahay, bal waxaan ku darayaa: Meher aan Qoraal iyo Waraaqo Rasmiya iyo Markhaatiyo iyo Weli, inaaney gabari weligeed ogolaan, si aan xuquuqdeeda iyo sharafteedu meel cidlaa ugu bixin, Laakiin gabdhuhu in yar ayaa ku waana qaata.. Faallada gadaal ayaan ka raacin doonaa balse sheekada aan akhrino qaybteeda hore:
_______________________

“Asc sheikh marka hore qeyr fara badan ilaahey haku siiyo

waxaaan ku xeranahay begkaaga oo aan markasta aqrista qisoyinka aa mar walbo soo dhigto ana waxaa jecleystay markaaan in aan qiso igu dhacay sanadki 2011 ku soo bandhigo, qisadaan oo aaan is leeyahay waa mid lagu cibro qaadan karo, sheikh aniga waxaaan daganaa markeyga hore italia inta aanan ….. soo dagin waxaan italia imid 2008 waana shaqeyn jiray, sida caadi ama la socono shaqada badanaa italia gabdhaha ey ka qabtaan waa sida habraha waayeelada ah loo haaayo alxmdulilaah shaqo aad u fiican ayaan heestay oo maashalaah ah.

Sidii aaan shaqada u heeestay ayaa waxa dhacday sheikh in ey gabar aaan saaxibo nahay wiil i barto wiilkaas ey ayada islaan adeerkeed qabo aayo u tahay oo aayadaas ayuu la noolan jiray somalia gabarta saaxibteyda ah somalia diris aa ku aheyn, wiilki waaaan is baranay asaga reer italy ma ahayn waxa uu daganaa wadan kale yurub qadka ayaaana ka wada xariiri jirnay skypgana waaan iska arki jirnay waxana uu i sheegay in uu 3 wiil leeeyahay oo laba naag u dhashay 3 naagna uu hore usoo furay labada ilmaha u dhashay iyo mid kale oo aaan waxba u dhalin xiligaas aa isbarheyno waxa ey aheyd 2011.

Waxa aan wada soconaba waxa u i sheegay in uu aad ii jecelyahay uu indha aan aniga aheyn laheyn wax kale uu i sheegay in uu guur iga rabo anigana waxaaa i xareysneyd dacwo aaan hooyo ku keenaayay marka waxaa dhahay hooyo marka ey i timaado ayaaaan is guursaneynaa okay uu dhahay hooyo ayaa timid aakhirkii 2011, kadib marka ey hooyo timid uu cagta cagta i saaray in ey hooyo timid uuna guur iga rabo, uusan waxba heysan, aan guur qarsoodi ah galno, waaalidkana aaan u sheegi doono marka aaan wax helno, marka sheikh hooyo italia wey ka soo tagtay oo wax badan mey joogin kadib waxaa dhacday sheikh in ey isla markii hooyo iga soo tagtay ey islaanti aaan haayay ee waayesha aheyd ey baqtido shaqo la’aan meeshaaas igaga dhacdo, wiilkaan isaga ahna haduu afka kala qalado aaan is mehersano u i dhihi jiray.

Marka sheikh waxaa jiray guri aaan hooyo ugu dacwooday oo i kiresnaa waxa dhacday in ey i dhahaan qolyihii guriga lahaa bisha 11aad iyo 12aad waaaa in aa isku dhiibtaa waana dhiibay, hooyo bisha 10aad inta ka harsaneyd iyo 11aad ey ila joogtay kadib waa ey soo baxday oo waxey soo aaday wadan kale oo yuruba, kadib sheikh wiilki ayaa i dhahay haye hooyo wey timid aaan is mehersano aniga hada waxba ma haayo lkin waxaaan aad ugu rajo weynahay sanadka 2012 uu shaqo helidoono markaas aan shaqada helo ayaana waalidka u shegeynaa!

Haye ayaan dhahay sheikhoow hada marka aan oo xasuusto waaan ka shalayaa, in aan nafteyda ku aaminay nin aan waligey arkin oo dabecdiisa aqaanin oo aan qadkaas kaliya iska baranay lkin shalaay wax ma taro, wax ii qorana ayey ahaayeen waxaa kale u idhahay sheikh bisha december ee iga shuban kirada guriga in uu ii imaan doono haye ayaa dhahay sheikh waxaa dhacday in aan is mehersano wiilki waxaan is mehersanay akhirkii 2012 italia ayuu iigu imaaday waxaa xiligaas cunaayay daawo oo asagana muu rabin in aaan uur qaaado ana waan cabsanayay oo wixi hadeysan waalid ogeyn ey qarsoodi yihiin dhibkeeda ayey leedahay.

 

Sheikh wiilki wuu laabtay anigi shaqo ma haaayo gobalki aaaan kow ka shaqeyn jiray waan iskaga tagay oo waxaaan aaday gobalki gabadhi saxibaada aheyn joogtey, nasiib xumo shaqa kama aan helin, waxaa dhacday sheikh ninki sidaa aan ogaaa i dhihi jiray in uusan indho aan aniga aheyn laheyn, in uu is badalo in uu hadala kulkulul keeno, madaxeyga wuu heestaa, walidkey iguma ogo, aniga murugo, hooyo xitaa iga xanuunsatay oo jawiga yurub la qabsan weyday, shaqo la’aan i dheertahay, waxaan seexan jiray meel caritaz la dhaho oo habeenkina saacad la galaayo jiifkeeda subaxdiina saacad laga soo baxaayo oo xiliga aaad rabto hurdi karin, ayada oo intaas murugo ah i heysato oo wilki isaga ahaaayna uu waji kale la soo baxay, waxaan go’aan ku gaaray in aaan ku sabro wax walba uu i dhaho ileyn waxaan ahay qof madaxedi laga heesto, waxaa sugaayay bishi uu i sheegay haduu shaqadi helaayo oo mar un waalidka igu ogaa lahaayeen.

Sheikh waxa dhacday maalin maalamaha ka mid ah ayaan wacay hooyo, codkeeda aad isku badalay, qandho heyso aawgeed, aniga oo oohinteyda dhamaatay aan wilki wacay asna oo aaan baryo badan isoo wicin qadkana u diiday in uu igula hadlo waxana roneydba in aaanan wicin waxa dhacday sheikh in wiilki i dhaho waxaaan rabaa in aan iska kaaa dalaaqo! aniga waxaa dhahay sabab aniga ileyn i fur kuma dhihin, walidkeyna iguma kaa ogo, sidaaasna balan kuma galin aniga iyo adige, waxa uu i dhahay waxba igama galin waalidkaa waana ku soo qorayaa warqadadi telkana waa u igu damiyay.!!