Qoonsashada qaxootiga oo qalaanqal gelisay Kenya

285

Qaxootida

Markii labaad waxaa baaqday shir muddo dheer la sugayey oo dib loogu dejinayo in ka badan nus milyan qaxooti Soomaali ah, kaddib markii sida la sheegay ay madasha soo xaadiri waayeen masuuliyiin la quuddarraynayey in dawladda Soomaaliya uga qeybgelaan shirkaasi.

Isku daygaasi, oo lagu doonayey in dib u noqoshada qaxootiga lagu bilaabo waxaa ka qeybgeli lahaa madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto, wasiiro ka socda labadda waddan iyo saraakiil ka tirsan hey’adaha gargaarka caalamiga ah ee fadhigoodu yahay magaalada Nairobi, hase ahaatee Kenya waxay sheegtay inay ka baaraandeggayso heshiis horle oo ay la gasho maammulka kummeelgaarka Jubaland oo xadduud la leh dalkeeda qaxootida badankoodna kasoo jeedaan haddii bay tiri dawladda dhexe ku guuldareysato in horey loo sii wado hannaankaasi.

Madaxda sare ee Kenya ayaa hoos u dhigaya saameynta uu yeelan karo muranka markale soo kala dhexgelay dalalka jaarka ah, xilli Kenya oo ku lug laheyd dhismaha dawlad gobolleedka Jubaland ay xoogga saareyso in ugu yaraan xafladda hirgelinta heshiiskaasi loo weeciyo magaalada Kismaayo ama door weyn ku yeeshaan masuuliyiinta maammulkaasi.

Dawladda Kenya; “hirgelinta heshiiska waxaa hortaagan Muqdisho”

Inkastoo si rasmi ah aan loo ogeyn inta uu gaarsiisan yahay ismaandhaafku, haddana Kenya ayaa tuhunsan in Soomaaliya aysan u muuqan sabab keeneysa in dadkeeda laga raro gobol ay weli rumeysan yihiin inuu qeyb ka yahay Soomaaliweyn, kasoo afti dadweyne horey ugu diiday kasii mid ahaanshada Kenya, sidaasi darted ay jeclaan laheyd in qaxootidu ku milmaan dadka kale ee ku nool NFD si mustaqbalka gacan uga geystaan ku biiritaanka Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya ilaa iyo imminka; “wax ismaandhaaf ah ma jiro”

Dhinaca kale, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in labadda dawladood aysan isku maandhaafsaneyn qorshaha dib u dejinta qaxootiga, balse uu arrinku yahay hadma iyo halkee baa looga dhawaaqi bilowga dhaqan gelinta heshiiska saddex geesoodka ah? Beyle ayaa hadalkiisa sii raaciyay “Ka dawlad ahaan waxaanu qabnaa in isu’imaadkaasi ka dhaco Muqdisho, halka Kenya ay ku adkeysaneyso in lagu qabto Nairobi.”

kulankaasi baaqday ayaa lagu waday in laga soo saaro qorsheyaal iskudhafan oo lagu wajaho wajigga hore ee dib u celinta qaxootiga waxaana baaqashadiisu ku soo beegmeysaa iyaddoo kummannaan qaxooti Soomaali ah oo ka cararay in laga raafo magaalooyinka ay dib ugu noqdeen xeryaha buuxdhaafay ee Dhadhaab iyo Kakuma.

Sida ku xusan qorshehaasi lagu muransan yahay fulintiisa ee la saxiixay sanadkii lasoo dhaafay, waxay ahayd in la sameeyo guddi wadajir ah oo ka kooban 12 xubnood  meteli doona Soomaaliya, Kenya iyo hey’adda qaxootiga Qaramadda Midoobay ee UNHCR kaasoo dusha u ridanaya jadwalka iyo masuuliyaadka muhiimka u ah hawlgalka dib u noqoshada qaxootiga oo ku saleysan si mutadawacnimo ah.