Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya C/wali shekh Axmed oo lagu wado inuu booqodo magaalada Baydhabo

220

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa sheegay inuu ku biiri doono dadaalada xalka looga gaarayo khilaafka ka taagan magaalada Baydhabo, halkaasoo Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ay ka bilaabeen dadaalo dib u heshiisiin iyo xal ka gaarista khilaafka u dhaxeeya Maamulada iska soo horjeeda.

Mr C/wali Sheekh Axmed ayaa goor dhoweyd wariyeyaasha ugu sheegay magaalada Muqdisho inuu tagi doono magaalada Baydhabo, si uu uga qeyb qaato xalka la dooayo in laga gaaro xiisadaha siyaasadeed ee ka jira magaalada.

Waxaa la socotaan in Madaxweynaha uu tagay Baydhabo, hada Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa jooga, anigana waa tagi doonaa hadii alle idmo, waxaa ka shaqeyn doonaa isu soo dhoweynta shacabka iyo xukuumadeyda”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii is faham u dhex mari lahaa, shacabka, qeybaha maamulada gobolada dalka, iyo dowladda, si wada shaqeyn dhow u dhex marto.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu magacaabay Labo gudi oo heer wasiiro ah, kuwaasoo ka shaqeynaya arrimaha baahida deg dega iyo amniga, iyadoo gudiyadan ay xubno ka yihiin Wasiirada Arrimaha Gudaha, Amniga, Caafimaadka iyo Wasiiro kale.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa maalintii afaraad ku sugan Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ku haray magaalada, kadib markii shalay uu ka soo tagay Madaxweynaha, iyadoo wali magaalada ay ka socdaan shirar xal looga gaarayo xiisadaha siyaasadeed ee ka jira magaalada.

www.xaqiiqa.com

Qore: Ramla Aweys