Raii’sal Wasaaraha Soomaaliya oo tillaabo cusub oo siyaasadeed ku dhaqaaqaya

187

Warar xog ogaal ah oo xaqiiqa.com ay heshay ayaa waxa ay sheegayaan in safar siyaasadeed oo wax ku ool ah uu Ra’iisal wasaare Cabdi weli Sheekh Axmed ku kala tagayo dalalka Kenya iyo Itoopiya.

Manta ayaa Ra’iisal Wasaaruhu waxa uu u ambabaxay dalka Itoopiya, isaga oo halkaas shirar muhiim ah uga qeyb gali doono kuwaas oo quseeya arrimaha Soomaaliya.

Waxaana uu safar kale kusii tagi doona maalinta Khamiista 20-ka bisha Agoosto dalka Kenya, waxa uuna ku saxiixi doonaa magaalada Nairobi heshiis saddex geesood ah oo ku saabsan celinta qaxootiga Soomaaliya ee ku sugan dalka Kenya.

Dhankooda waxaa heshiiska ka saxiixi doona dowladda Kenya iyo hey’adda qaramada midoobey u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR.

Warar xog ogaal ah ayaa waxa ay sheegayaan in uu safar ku tagi doono Ra’iisal wasaarahu xeryaha qaxootiga ee Kenya, taasi hadey dhacdana wuxuu noqon doonaa masuulkii ugu sareeyay ee dowlad Soomaaliyeed oo booqda qaxootiga muddo dhowr iyo labaatan sano ah.

www.xaqiiqa.com