Ra’iisal wasaare Abdi wali Sheekh Mohamed oo la filayo in uu booqdo saacadaha soo socdoDegmada Qoryooley

163

socdoDegmada Qoryooley

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed oo xalay ku hoyday magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa la filayaa inuu maanta booqasho ku tago degmada Qoryooley oo ka mid aheyd deegaanadii dhowaan ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Sida ay sheegayaan wararka wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa u kuur galaya xaalada Shabeelaha Hoose, oo horay uga dhaceen dagaal beeleedyo, waxaana la sheegayaa in Ra’iisul Wasaaruhu qiimeyn ku sameynayo deegaanada uu booqdo.

Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed ayaa shalay kula kulmay magaalada Marka odayaasha, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaasoo cabsho u gudbiyay, waxaana Ra’iisul Wasaaruhu balan qaaday inuu cabashada iyo waxyaabaha ay tabanayaan dadka reer Marka hordhigi doono Golaha Wasiirada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Gobolka Shabeelaha Hoose uu hormuud u yahay horumarka iyo dhaqaalaha dalka, isagoo cadeeyay in Xukuumada uu hogaamiyo ay wax ka qabaneyso dib-usoo-noolaynta ilaha dhaqaalaha iyo amniga ee gobolka.

Dhinaca kale degmada Qoryooley ayaa laga dareemayaa dhaq dhaqaaq ciidan iyo howlo lagu sugayo ammaanka, iyadoo laga yaabo in Ra’iisul Wasaaruhu ku tago diyaarad Helicopter ah oo uu shalay ku tagay Marka.

Degmada Qoryooley ayaa ka mid aheyd deegaanadii u dambeeyay ee Al-Shabaab laga saaray, waxaana ka dhacayay tan iyo markii ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOm dagaalo ay soo qaadayeen Shabaabka.

www.xaqiiqa.com