Ra’iisal wasaarihii horre ee Singapore Lee Kuan Yew oo Geeriyooday

258
Photo/ AP
Photo/ AP
Photo/ AP

Waxaa magaalada Singapore ku geeriyooday aas-aasihii ahaayna Ra’iisal wasaarihii ugu horreeyay ee dalka Singapore Lee Kuan Yew. Waxa uu ku geeriyooday Isbitaalka guud ee Caasimadda Singapore halkaasi oo  uu ku jiray bilihii ugu dambeeyay. Geeridiisa ayaa waxaa shaaciyay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha, Waxaa uu ahaa 91-jir.

Mr. Lee Kuan oo 31-sano Ra’iisal wasaare ka ahaa Singapore ayaa gaarsiiyay Jaziirada yar midka mid ah wadamada ugu Hodansan uguna musuqmaasuqa yar Qaaradda Eeshiya, waxa uu ahaa R/wasaarihii ugu waqtiga dheer dunida.