Ra’iisul waraare Khayre oo markii 9 kormeeray dekadda Muqdisho iyo faah-faahino kasoo baxaya

236
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ku sugan dekadda Muqdisho
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ku sugan dekadda Muqdisho

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ay heliyaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa maanta booqday mid ka mid ila dhaqaale ee ugu wayn ee dalka.

Ra’isul xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa markii sagaalaad kormeeray dekada wayn ee magaalada Muqdisho tan iyo intii xilkan loo magacaabay bilowgii sanadkan isagoo u kuur-galay sida ay u socdaan howlaha dekadda.

Ra’isul wasaaraha ayaa kormeerkiisa ka billabay saldhigga booliiska ee dekedda, isaga oo saraakiisha joogta weydiiyey sida uu saldhiggu u diiwaangeliyo Maraakiibta ku soo xirata Dekedda iyo badeecooyinka kala duwan ee ka soo dega.

SIdoo kale Ra’isul wasaaraha ayaa kormeeray qeybaha maamulka dekedda, iyo hannaanka cashuuraha, waxaana uu la kulmay maamulka dekedda, isagoo ku booriyay in ay kordhiyaan shaqada ay u hayaan dalka.

Warbaahinta online ka ee maxaliga ah ee Soomaaliya ayaa ku waramaya in socdaalka Khayre uusan Kali ah ahayn inuu soo arko howlaha dekadda.

Waxaa ay sheegayaan in Ra’iisul wasaarahu uu halkaasi u tagay inuu si toos ah u fara galiyo is-maandhaaf la sheegay in uu ka dhashay gaari Kunteenar ah oo si aan sax aheyn loo canshuuray, kaasoo ay dib u celiyeen Ciidamada Booliska ee qaabilsan Ilaalinta Canshuuraha.

 

Maamulka Kastamka Dekeda iyo midka guud ee Dekeda ayaa lagu waramay in  soo kala dhex galay khilaaf la xiriira habka canshuuraha, taas oo keentay in arrinta Ra’iisul Wasaaraha ay gaarto.

Ciidamada Booliska ee Ilaaliya canshuuraha ayaa shalay dib u celiyay Gaari Konteenar ah oo ay saarna qalab Electronic ah, iyadoo Ciidamada Booliska markii ay hubiyeen waraaqihii lagu canshuuray iyo alaabtii saarneydna ka dibna la ogaaday in aanay isla ekeyn, maadaama lacag aad u yar lagu canshuuray alaabta Konteenarka saarnaydna ay aheyd alaab aad u badan.

Xalay ayaa la sheegay in ay murankan uu gaaray Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo maanta isaga iyo Ku simaha Hanti dhowrka Guud ay tageen Dekeda, si ay arrinta u ogaadaan, waxna uga qabtaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku amray Maamulka Kastamka ee Dekeda inay keenaan waraaqihii ay ku canshuureen saddexdii markab ee ugu dambeysay ee laga dejiyay alaabaha, iyadoo Kusimaha Hanti dhowrka guud uu ka dalbaday inuu arrinta baaro, si loo kala ogaado sida ay wax u jiraan.

Dowladda Soomaaliya oo ah dowladda dhexe ee dalka ka arimisa ayaan wada maamulin dhammaan dekadaha dalka.

Dekadaha dalka ugu waa wayn waxaa ka mid ah dekadda Kismayo, Bosaaso, Berbera iyo Marka, waxaana dowladda haatan dhaqaalaheeda uu ku tirsan yahay lacagaha  kasoo xarooda dekadda Muqdisho iyo garoonka diyaaradaha Aadan Cade, inkastoo dowladda haatan ay wado sidii maamul gobaleedyada ay ugu soo wareejin lahaayeen dekadaha dalka.