Ra’iisul wasaaraha oo gaaray Cadaado.

198

R/wasaaraha xukuumadda federaalka ee  Soomaaliya iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu soo waramayaa in goor dhow  gaareen magaalada Cadaado ee xarun  kumeel gaar ah u  ah  maamul gobaleedka Galmudug.

Wafdiga ayaa  la sheegay in ujeedada ay u socdaan ay tahay sidii Galmudug ay ugala  hadli lahaayeen daggaalada magaalada Gaalkacyo iyo qaabka ugu Haboon ee xal loogu heli lahaa mushkiladda ka dhex-taagan maamulada Puntland iyo Galmudug.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa Warbaahinta  kula hadlay Magaalada Cadaado, wuxuuna sheegay inay la kulmi doonaan Masuuliyiinta kala duwan ee Galmudug.

R/wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa lagu wadaa inay u gudbaan Magaalada Garowe halkaas oo iyana ay kula kulmi doonaan  Madaxda Puntland si xal loogu helo dagaalada magaalada Gaalkacyo.

Daggaalada magaalada Gaalkacyo oo ah kuwo sababay dhimasho, dhaawac, bur-bur hantiyadeed iyo barakac xoogan ayaa markale soo cusboonaaday maalintii jimcihii aynu soo dhaafnay.

Dowladda Maraykanka iyo kuwo kale oo war ka soo saaray colaadda Gaalkacyo ayaa ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo daggaalada, isla-markaana lagu dhameeyo wada-hadal arimaha labada dhinac ay kala tabanayaan.