Ra’iisul Wasaaraha oo gaaray Garowe + Dhagayso Shirkiisa Jaraa’iid iyo Sawirro.

199

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Garoowe ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland, dhalinyaro iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool magalada Garowe.

Safarka Cumar C/rashiid uu ku tagay magaalada Garoowe ayaa lagu sheegay in ay tahay dhexdhaxaadinta maamulada Puntland iyo Galmudug oo todobaadkan dagaallo ay ku dhex mareen magaalada Galkacyo.

Madaxweynaha maamulka Puntland iyo sidoo kale Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ayaa wada qaatay kulan looga hadlaayay ammaanka magaalada Gaalkacyo.

Kulanka ka dib ayaa wariyeyaasha waxaa si wadajir ah ula hadlay Madaxweynaha maamulka Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Ra’iisulwasaaraha dalka Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in maamulka Puntland ay diyaar u yihiin in ay ka shaqeeyaan ammaanka iyo sidoo kale horumarka magaalada Gaalkacyo.

Waxaa uu sidoo kale dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Gaalkacyo ugu baaqay in ay dagaalka Joojiyaan islamarkaana ay ka qeyb qaataan nabadeynta magaalada Gaalkacyo.

http://hiiraan.com/images/gallery/2016/oct/http://hiiraan.com/images/gallery/2016/oct/http://hiiraan.com/images/gallery/2016/oct/http://hiiraan.com/images/gallery/2016/oct/