Ra’iisul wasaaraha oo ku guulaysay xubinimada Aqalka Sare

106

Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ku guuleystay Kursigii ugu horreeyay ee Aqalka Sare  u matalaya Puntland.

65 Xubnood oo ka tirsan golaha Baarlamanka maamul goboleedka Puntland, iyo guddiyo isugu jira heer Feraal iyo heer maamul Goboleed ayaa  kor joogto ka ah sida ay u socoto doorashada xubnaha Aqalka Sare taasi oo haatan si toos ah uga soconaysa Magaalada Garowe ee xarunta maamulkaasi.

Cumar C/rashiid oo ah R/wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ee xilligan, ayaa ka mid ah  musharixiinta u taagan xilka Madaxweyne-nimo ee Soomaaliya.