Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo la kulmay Madaxweynaha Kenya

169

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed oo booqasho ku jooga dalka Kenya ayaa kulan la qaatay madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, waxayna kaga hadleen kulankooda arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal gaar ahaan dhinaca siyaasadda, ammaanka, ganacsiga iyo arrimaha bulshada.

Mudane C/weli Sheekh ayaa uga warramay Kenyatta horumarrada siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka socda Soomaaliya, isagoo ammaanay kaalinta ay ciidamada dawladda Somalia iyo kuwa AMISOM kaga jiraan sidii guud ahaan dalka looga xoreyn lahaa kooxaha nabad-diidka ah.

Ra’iiusl wasaaraha wuxuu madaxweynaha Kenya uga tacsiyeeyay weerarkii ka dhacay deegaanka Mpeketoni ee Lamu. Isagoo uga mahadceliyay dadka Kenya sida ay qaxootiga Soomaaliyeed ugu soo dhoweeyeen Kenya muddadii dhowr iyo labaatankii sano ahayd.

Soomaaliya iyo Kenya waa laba dal oo walaalo ah. Waxaa naga go’an inaan sii xoojinno xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada badan ah ee u dhexeeya labadeenna dal. Waxaan uga mahadcelinayaa dawladda Kenya sida ay noogu garab taagan tahay inaan hagaajinno amniga iyo xasiloonida dalkeenna.

Waxaan madaxweyne Kenyatta ka wada-hadalnay arrimo badan oo danaha labada dal ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin sidii aan u fulin lahayn heshiiskii saddex-geesoodka ahaa ee la gaaray. Waxaan doonaynaa inaan hore u sii wadno xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya labada dal, isla markaana aan iska kaashanno dadaal walba oo danta gobolku ku jirto,” ayuu yiri Cabdiweli Sheekh.

Dhiniciisa, wuxuu madaxweyne Uhuru Kenyatta sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka ay Somalia ku tallaabsatay, isagoo ballan-qaaday inay dawladdiisu ku dadaaleeyso sidii ay u taageeri lahayd horumarkaas una xoojin lahayd iskaashiga labada dal. Wuxuu intaa raaciyay in dawladdiisu ay dhawaan si rasmi ah safaarad uga furan doonto Muqdisho.

Kenya iyo Soomaaliya waa walaalo waana saaxiib, waxaa naga go’an inaan sii xoojinno xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dawladood. Si taa loo sii hagaajiyo, waxaan dhawaan Muqdisho dib uga furi doonnaa safaaraddeennii.

Shacabka Kenya iyo Soomaaliya waa dad isku mid ah oo dano fara badan ay ka dhexeeyaan. Waan sii wadi doonnaa inaan garab taagnaanno shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed, mana jiri doonaan caqabado naga hor istaagaya inaan si wadajir ah uga hortagno kuwa khatarta ku ah amniga labada dawladoodba,” ayuu yiri Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

www.xaqiiqa.com