Ra’iisul Wasaaraha Somaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed oo ku Dhawaaqay Dagaal Labo Waji Leh Ciidamadana Amar Siiyay

203

REYZAL WAZARAHA XAQIIQA COMRa’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed, ayaa sheegay in Xukuumadiisa ay biloowday dagaal adag oo ku aadan xaaladaha dalka Soomaaliya ilaa natiijo rasmi ah laga gaaro Wasiirka koowad ee Xukuumadda Wuxuu sheegay in dagaalkaan uu yahay mid leh labo hadaf ilaa labadaasi hadaf looga guuleestana aan la istaajin doonin sida uu warka udhigay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

C/wali Sheekh Axmed Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa xusay in dagaalkaan culus Xukuumadda ay biloowday isbuucyadii lasoo dhaafay, dhamaan ciidamada xooga dalka Soomaaliyeedna amar lagu siiyay ku dhaqaaqida dagaalkaasi.

Ujeedada dagaalka ayuu ku xusay inay tahay mida koowaad in guud ahaan dalka Soomaaliya laga saaro sida uu yiri cadoowga dalak kusoo duulay, wajiga labaad ee dagaalka ayuu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ku micneeyay inay tahay dadka dambiilayaasha ee dhibaatada dalka ka geysta in meesha laga saaro oo qof waliba oo muwaadin ah uu helo amni buuxa sida uu yiri.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in dagaalkaan ay ugaleen Allah dartiis ayna doonayaan in guud ahaan dalka Soomaaliya la xasiliyo oo amni buuxa lagu soo dabaalo.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu ka codsaday Wasiirka koowaad ee Xukuumadda in ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed iyo Dowladaba lagala shaqeeyo dhanka ammaanka si loo gaaro hadafka lawada tiigsanayo.

Dowladda Soomaaliya ayaa hada wado dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ku aadan in guud ahaan Shabaab Gobalada dalka Soomaaliya laga saaro