Ra’iisul Wasaaraha Turkiga Binali Yildrim oo ka qayb galaya shirka London

311

2017510636299937028770641shirka_London3-696x401

Wafdi Balaaran oo uu hoggaaminaayo Ra’iisul Wasaaraha Turkiga ayaa gaaray magaalada London ee dalka Ingariiska.

Ra’iisul wasaaraha Turkiga, Binali Yildirim ayaa  ka qeyb galaya Shirka Berri ka furmaya Magaalada London ee looga hadlaayo Arimaha Soomaaliya.

Mar uu warbaahinta kula hadlay Garoonka diyaaradaha magaalada London ayuu sheegay in ay muhiim tahay in dalalka Caalamka  ay taageero weyn u muujiyaan Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dowladda Turkiga ay go’an tahay kordhinta taageerada la siinaayo dowladda Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa ka mid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya , waxaana sanadyadii dambe dalka ay ka hirgalisay Mashaariic kala duwan.