Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga oo soo gaaray magaalada Muqdisho

376

raysal

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka  dowladda Turkiga Mudane Veysi Kaynak ayaa Maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

 

Garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee Muqdisho waxaa kusoo dhaweeyay Wafdiga uu hogaaminaayo Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya iyo sidoo kale Wasiirka Arimaha dibada Yuusuf Garaad Cumar.

Wasiirka warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in Ra’iisul wasaare ku xigeenka uu magaalada Muqdisho kula kulmi doono madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ah.

Waxaa ay ka hadli doonaan xiriirka labada dal iyo abaaraha ba’an ee ka taagan dalka Soomaaliya kuwaasi oo keenay cuduro ay ka mid yihiin shuban biyoodka kaasi oo laayay dad badan oo Soomaaliyeed halka dad badan oo kale ay cisbitaalada u jiifaan.17629897_1307003886055453_8424727615095416552_n raysal raysal1 raysal-wasare turkish-deputy-pm