Ra’iisulwasaare Cabdiweli oo ku wejihan Puntland

234

Magaalada-GarooweRa’iisulwasaaraha dawladda dhexe, Cabdiweli Sheekh Axmed iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa ku wejihan magaalada Garoowe ee xarunta maammulkaasi Puntland, halkaasoo uu uga qeybgelayo shirweyne seddex geesood ah oo ay yeelan doonaan masuuliyiinta labada dhinac iyo xubno sare oo ka socda dalalka beesha caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya.

Sida ay xogta ku heshay Xaqiiqa Times ra’iisulwasaare Cabdiweli Sheekh Axmed iyo madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas ayaa waddajir u shir guddoomin doona kulankaasi waxaana qorshuhu yahay in lagu soo bandhigo arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin xal u helida dhammaan waxyaabihii keeney khilaafaadka siyaasaddeed ee imminka jira iyo ugu danbeyn in laga gaaro heshiis rasmi ah murankaasi.

Dhinaca kale, ergada metelaya beesha caalamka ayaa markasta hubin doona in aan lagu xadgudbin heshiiskaasi ay goobjooga ka noqon doonaan si loo xaqiijiyo hirgelintiisa.

Shirka oo ah kii ugu weynaa abad oo ay wada yeeshaan xukuumaddaha Muqdisho, Garoowe iyo madaxda beesha caalamka ayaa bishaan horaanteeda lagu wadaa in uu furmo.

Wadahadaladaasi ayaa ku soo beegmaya, xilli dawlad gobolleedka waqooyi bari Soomaaliya ee Puntland ay horey dhawr jeer xiriirka ugu jartay dawladda dhexe.