RW Cumar oo Booqday Dhaawacyada Yaalla Isbitaalka Erdogan

239

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharmaarke ayaa saaka booqday Isbitaalka Erdogan oo lagu dawaynayo qaar kamid ah dhaawacyada Dadkii ku waxyeeloobay weerarkii maalintii jimcihii ka dhacay Gudaha Hoteelka Central ee Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay Maamulka Isbitaal Erdugan, wuxuuna Ra’iisul Wasaaruhu u rajeeyey dadka dhaawaca qaba in Ilaahay siiyo caafimaad isagoona sheegay in xukuumadda ay gacan ka gaysandoonto wixii dheeraad ah ay u baahdaan bukaannada jiifka Istaalka haddii ay u baahdaan in dibada loo qaado.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad-celiyey dowladda Turkiga sida ay umadda Soomaaliyeed ugu hagar baxday una dhistay Isbitaal noocaan ah oo leh dhamaan qaybaha kala duwan ee adeegyada caafimaadka.

Ugu dambayntii booqashada Ra’iisulwasaaraha kadib waxaa saxaafadda lahadlay Wasiirka Warfaafinta Xukumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, waxa uuna sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay garab istaagi doonto, ayna dadaal badan ku bixin doonaan sidii Dadka ay u helilahaayeen wixii ay uga baahdaan Dowladda Soomaaliya.aassssffffdddd