Ra’iisulwasaare Cumar Oo Hambalyo U Diray Haweenka Soomaaliyeed 8 March Awgeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke ayaa hambalyo ku aadan 8-da Maarso u diray Haweenka Soomaaliyeed, isagoona ku tilmaamay doorka haweenku ay ku leeyihiin bulshada inuu yahay mid muhiim ah, ayna qaataan door wanaagsan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay haweenku ay la kulmeen tacadiyo badan, ayna ahaayeen kuwa ugu jilicsan oo ay soo gaareen dhibaatooyinka dalka soo wajahay mudadii rubuc qarniga ahayd. dhanka kalana ay horeed ka ahaayeen isku xirka bulshada xiliyadii ay dagaalada ka socdeen dalka, waxayna qaybna ka yihiin mar kasta nabadaynta iyo horumarka bulshada.

“Waxaan Hambalyo u dirayaa haweenka Soomaaliyeed waxaana ku boorinaa doorka wanaagsan oo ay ka ciyaaraan nolosha Soomaaliyeed waana mid tiir ah oo aan la dafirikarin”ayuu yri RW Cumar Cabdirashiid.

Ugu Dambayntii ra’iisulwasaare Cumar ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay door wanaagsan siinayso haweenka Soomaaliyeed ayna kaalinta haweenka hilmaami doonin doorkooda wanaasgan ee Dalka ay ku leeyihiin.