Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo Wasiir Jangali oo Dhaawac Soo Gaaray

327

Wararka naga soo gaaraya goobaha caafimaadka ayaa sheegaya in dhaawac uu qabo Ra’iisulwasaare Ku Xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte oo ku sugnaa Huteelka Centeraal ee magaalada Muqdisho xilligii uu qaraxa dhacayey.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya dhaawaca Mudane Maxamed Cumar Carte iyada wararka qaar ay sheegayaan in uu dhaawac uu qabo yahay mid fudud marka loo eego dhaawacyada la geeyay Isbitaalka Madiina.

Sidoo kale Dadka dhaawacyada soo gaaray waxaa ka mida Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Cali Jaamac Jangali.
labada masuul ayaa hadda xaaladooda caafimaad tahay mid wanaagsan.