
Kooxda Real Madrid ayaa ku guuleysatay koobka horyaalka Yurub ee Champion League kadib markii ay 4-1 ay ugaga badisay naadiga Juventus ciyaar final ahayd oo caawa ka dhacday magaalada Cardif ee wales, kana tirsan dalka Britain.
Ciyaar aad u adkeyd ayna labada koox soo bandhigeen xirfado kala duwan ayaa 90kii daqiiqo kadib kooxda Real Madrid waxa ay noqotay mid taariiq cusub ka dhigta koobkan oo ah mid loogu jacayl yahay Adduunka ka dib Ciyaaraha Koobka Adduunka, yadoo labo sano oo isku xigta ku guuleysatay kadib markii ay 4-1 uga badisay kooxda Juventus.
Kooxda Real oo 4-0 ku badisay ayaa weeraryahankeeda Ronaldo uu labo gool u dhaliyay halka labada gool ee kale ay kala dhaliyeen Casemiro iyo Marco Asensio, kooxda Juventus ayaa waxaa gool kaliya ay dhaliyeen oo ahaa mid aad u qurux badan waxaa u dhaliyay ciyaaryahanka xeerka Caalami ee dalka Croatia Mario Mandžukić.
Ciyaartan oo qeybteedii dambe aad u kululaatay ayaa waxaa la bixiyay 8 calaamadaha hurdiga ama digniinta ah iyadoo afar ka mid ah la siiyay ciyaaryahanada Juventus halka afar kalana ay qaateen ciyaartoyda Real Madrid hase yeeshee dhamaadkii ciyaarta ayaa waxaa karaka Cas la siiyay Juan Cuardrado oo ka mid ah ciyaartoyda naadiga Juventus.
Kooxda reer Telyaani ee Juve ayaa noqotay mid aad looga itaal roonaa waxaana xusid mudan in guud ahaan tartankii Championka ee sanadkan kulamadii ay soo ciyaartay kooxdaasi laga dhaliyay saddex gool oo kaliya halka kulankii Finalka ahaa lagu laga Dhaliyay 4 gool.
Labo ka mid ah goolasha ay dhaliyeen kooxda Real Madrid ayaa ahaa mid aan si toos ah shabaqa u cuskan balse ay ku sii dhaceen ciyaartoyda kooxda Juve waxaana ka mid ahaa goolkii koowaad ee uu dhaliyay xiddiga dalka Burtuqaal ee Cristiano Ronaldo iyo goolkii labaad ee uu dhaliyay xiddiga reer Brazil ee Casemiro.
Real Madrid oo sidoo kale ku guuleysatay koobka horyaalka dalka Spain ee La Ligaha ayaa noqotay kooxdii ugu horeysay ee labo jeer oo isku xigta ku guuleysata koobka Champion League intii magacan loo bixiyay sidoo kale waxa ay noqotay kooxdii ugu horeysay ee 12 jeer “La Duodecima” iyadoo weeraryahanka gooldhaliyaha ah ee Ronaldana uu dhaliyay goolkiisii 600aad.
