Reerkii layli dhaansada haamuhuu ka laayaa!

Gobollada dhexe ee dalkeenna Beledweyne, Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo mar waxay ahaayeen meel jabhadaha iyo xasaraduhu ku badan yihiin, oo u badan keenadiid ama dad aan oggoleyn in la xukumo, gaar ahaan xukunka dhegeyso oo ku dhaqan.

Mar waxay ahaayeen meel dowladdii xoogga badnayd ay dhigato hubka iyo ciidanka ugu badan, taas oo ay sabab u ahayd gobolladaas oo xad-wadaag la ah dowladda Itoobiya oo dhowr mar isku dayday in ay ka lusho calankeeda.

Xeryaha lama galaay, Damaanyo, 21aad, Daraawiish iyo xerada Dayax, waxay dhammaan ku yaallaan Gobollada dhexe, sidaas oo kalana waxa jiray baro waaweyn oo ciidanka XDS ay joogeen, sida Galdogob iyo Balanbal.

Inta la xusuusto waxaa ka soo baxa madax iyo aqoon yahan aanay gobolladaasi ku nafcin, hase yeeshee wax ku biiriyay daljirnimada iyo hoggaanka fiican, madaxdaas qaarkood waxay sameeyeen jabhado horseeday duminta Dowladdii Kacaanka.

Deegaan ahaan waa meel wada degidda iyo wada noolaanshuhu ka jiray muddo kahor, xilligii xorriyadda waxa ay kaalin fiican ka qaateen dagaalkii Gaal kacyey iyo Talyaani guurkii, kaas oo ay ujeeddadiisu ahayd in ururkii xornimo-doonka ee ururka dhallinyarada Soomaaliyeed uu hanto talada dalka kaddib gaalo kaca.

Waxaa laga yaabaa in sooyaalka gobolladaas ay ku jiraan dhacdooyin u badan dagaallo iyo iska hor imaad, kuwaas oo ay sabab u tahay yaraanta khayraadka bannaanka yaal ee gobolladaas iyo xirfadda dhaqashada xoolaha oo u baahan xoog iyo xeelad wada jira, taas oo dadkeeda ka dhigta kuwo ad-adag oo halganka ay kula jiraan nolosha ka barta habkii ay u maareyn lahaayeen.

Kaddib qaran-jabka waxa ay dhankooda ka qabeen dhibaatada guud ee dalka oo dhan ka jirtay, waxaa soo maray maamuullo aan muuqaal lahayne magac u yaal ah, maamulladaas qaar waxaa magacaabayay jabhado hab dowladeed isu aqoonsaday oo ay ka mid ahayd dowladdii Salballaar.

Dowladihii KMG ahaa ayaa u magacaabayay guddoomiyeyaal gobol, basle sida ay dibad wareeg u yihiin ayaa waqtigoodu dhammaan jiray.

Maamulkii maxkamadaha ayaa muddo yar maamulayay, kaddib maamulkaasna waxaa intii oo kale joogay sarkaal madax u ahaa ciidankii Itoobiya ee dirirta kula galay ciidankii maxkamadaha banka Bandiiradley Disembar 2006.

Sanadkii 2008 waxa ay goboladaas qaarkood ku jireen maamul la’aan iyo dagaallo dad badan ay ku dhinteen, horraantii 2008dii waxaa tegey dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab, waxa kula loolamayay talada tusaale gobolka Galgaduud, maamulkii ay Al-Shabaab ka baxeen ee maxkamadaha oo intoodii dalka joogtay ay mar isku dayeen in ay hirgeliyaan halhayska “Caano daatay dabadooda ayaa la qabtaa” magaalooyinka Beledweyne, Buulo-burte, Dhuusamareeb, Cadaado iyo Guriceel waxay ka billaabeen rag ka tirsan maamulkii maxkamaduhu in ay dib u abaabulaan awood iska caabbisa ciidanka Itoobiya oo mashxarad iyo alalaas ay ayaamahaas u ahayd in ay cagaha dhigaan oo ay calankooda saaraan Caasimadda Soomaaliya oo ku dhowaad 500 oo sano ay ku taamayeen geliddeeda.

Isla sanadkaas 2008 ayay Al-Shabaab xaqiijisay in aanay xubnaha maxaakiimtii midoobay saameyn badan ku yeelan gobolladaas, kaddib xaqiijinta goolkaasna dabayaaqadii 2008 waxay Al-Shabaab si aan ku talagal ahayn isugu fureen dagaalkii Ahlu Sunna Waljamaaca, kaas oo ka billowday dugsi qur’aan ku yaalla Guriceel, wuxuu dagaalkaasi horseeday dhiig badan oo aakhirkii ku soo dhammaaday in Al-Shabaab ay waayaan degmooyin ka tirsan gobolladaas.

Dagaalkaas oo socday 4 sano wuxuu soo afjarmay sanadkii 2012, wuxuuna ka tegey agoon iyo asaayo badan.

Beledweyn waxa ay ka mid tahay magaalooyinka gobollada dhexe ee 2006 ilaa 2012 ay ka dhaceen dhibaatooyinka amni-darro, waxaan xasuustaa duqeyntii diyaaradaha miigga ah ee itoobiya ay ka geysteen B/weyne iyo tuulooyinka Jawiil, kalabeyrka iyo Jenta Kun Disho oo 2 saac ay miigaggu si xiriir ah u duqeynayeen, 3 maalin kaddib oo aan u safray dhanka Galgaduudna waxaan jidka ku sii arkay meydad iyo madaafiicdii dishay oo ay haraagoodii is dul yaallaan, waxan xusuustaa in inta u dhexeysa Jenta kun Disho iyo Kalabayr ay yaalleen gacmaha iyo lugaha meydadka qaar oo markii ay midiba meel ku dhacday ay dadkii jidka marayay ku rogeen ciid aan meydka dhan iska daaye aan gacanta keligeed ah ee meel taal qarin karin, jidkuna isagoo burbursanaa ayaa haddana siliska kaarayaashu sii baaba’sheen, waxa aan isweydiiyay maalinkaas sababta kaara xambaarka faraha badan ee aan ku soo arakay B/weyne oo la haysto haddana xitaa jidka ay marayaan ay ugu kaxeeyeen kaarayasha waaweyn ee siliska xoogga badan ku socda, kaas oo laamiga Kalabeyr oo markaas ka hor ahaa laami dhaqan intiisa badan rurujiyay.

Ereybixinta maamul u sameynta gobollada waxaa adeegsaday warbaahinta iyo dadka siyaasadda, waxayna ka dhigan tahay in dadka ku nool gobollada aanay lahayn awoodda aayo ka talinta iyo sameysiga maamul, waxa ayna keeni doontaa in ay dadku aaminaan in loo sameynayo maamul aanay kaalin ku lahayn, kaalin ku lahaansho la’aantaasina waxay sababi doontaa in dadku aanay taageerin maamulkaas.

Hadda Gobolada dhexe waxaa ka muuqda rajadii iyo yididiilladii luntay 1969-kii oo ahayd in muwaadinku si toos ah u doorto qofka xukumaya, taas oo lagu waayay afgembigii aan dhiiggu ku daadan ee milateriga.

Sidaa daraadeed waxaa bilihii ugu dambeeyay ka socday Galguduud iyo Mudug ololaha dadka doonaya in ay qabtaan xilka madaxtinimada ee dowlad goboleedka Gobollada dhexe, arrinta sheegidda mudan ayaa ah in ololayaal aan ka dhicin gobollada ay hadda ka dhismeen dowlad-goboleedyadu ay si nabad ah uga sameeyeen dhowr murashax oo dadka deegaanka u sheegayay waxa ay qaban doonaan iyo sababta ay xilkaas u doonayaan.

Hadda Gobollada dhexe waxa ay haystaan fursad aanay arag weligood, taas oo u horseedi karta yeelashada muuqaal fiican oo haddii nidaamka goboleysigu meelmaro meel fiican ka soo saari karta, reerkii layli dhaansada haamuhuu ka laayaa!

W.Q: Axmed Ciise Guutaale