Ruushka oo is hor-taagay nabadaynta Suuriya.

208

Dowlada Faransiiska ayaa golaha ammaanka ee QM kaasi oo ay ku doonaysay in lagu xaliyo daggaalada sokeeye ee dalka Suuriya.

Mooshinkan ayaa qeexayey in Ruushka iyo diyaaradaha dowladda Suuriya  ay joojiyaan duqeynta ay ku hayaan magaalada Aleppo (Xalab) oo ay dagaalo ba’an ka taagan yihiin.

Waa markii 5aad oo uu Ruushka codkiisa Veto Power u adeegsanayo Golaha Amaanka qaraar uu soo saari lahaa. Wuxuuna Ruushka doonayey in mooshin kale oo uu soo diyaariyey Golaha ansixiyo.

Mooshinka Ruushka watay ayaa ahaa in dib loo bilaabo wadahadalkii hore ee u dhaxeeyey Maraykanka iyo Ruushka oo ku aadanaa dhaqan gelinta xabad joojin la dhex dhigo dowlada Siiriya iyo mucaaridka. Balse codsiga Ruushka ayaa isaguna waayey taageero ku filan ee Golaha Amaanka maadaama mooshin walba u baahan yahay inay soo gudbintiisa isku raacaan 9 wadan. Ruushka ayaa helay 4 wadan oo kaliya, waxaana afartaasi dal kamid ahaa China.

Dalka Suuriya ayaa waxaa ka taagan dagaal ay ku lug leeyihiin quwado shasheeye ayaa shan sano jirsaday.

QM ayaa Ruushka iyo Maraykanka ka dalbatay in hal dhinac ay ugu soo jeestaan sidii loo xalin lahaa rabshadaha Suuriya.

Wakiilka QM ee arimaha dalka Suuriya Staffan de Mistura ayaa dhowaan sheegay in Magaalada Xalab ay halis ku jirto, haddii ay duqaymuhu sii socdana qaybta bari ee magaalada ay gabi ahaanba ay burburi doonto.

Halkan ka daawo qaabka Ruushku uu u is-ticmaalay “Veto”-ga.